WorldRemitAds

Jacques Lambert oo ah, Madaxa gudida qaban qaabada tartanka Euro 2016 ee France, ayaa sheegay inaanay weeraradii dhimashada sababay Jimcihii ee ka dhacay caasimada Paris keeni doonin in laga xayiro oo lagala noqdo tartanka ay marti gallintiisa ku guuleysteen.

Ururka ISIS ayaa sheegtay masuuliyada weeraro qorshaysan oo ka dhacay Caasimada Faransiiska ee Paris, kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 129 qof, tiro kor u dhaafaysa 350 kalena dhaawacyo ka soo gaadheen.

Lambert, oo la hadlayay idaacadda Faransiiska ku hadasha ee RTL, waxaa hadaladiisa ka mid ahaa: “Waan la yaabanahay isweydiinta ah miyaa laga joojinayaa qabashada Euro 2016 weeraradii argagixiso darteed.

SomlegalAds

“Khatartu waxay hal darajo kor u kacday bishii February, imikana wey sii kacday uun.”

Waa markii labaad ee sanadkan gudihiisa Paris weeraro ka dhacayaan. Saddexdii cisho ee ugu horeeyey bishii January, Rag mitidiin ah oo hubaysan ayaa qudha ka jaray 18 qof kadib markii ay weerar ku ekeeyeen xarun wargeyska Chalie Hebdo oo aflagaadeeyey Nebi Muxamed ‘NNKHA’, Macdaar Yuhuudi Leedahay iyo gabadh booliisad ah oo bar shidaal joogtay.

MARTI-GELINTA-FARANSIISKASi kastaba aha ahaatee, Lambert wuxuu yidhi: “Waxaanu qaadi doonaa go’aanada lagama maarmaanka ah ee khuseeya sidii tartanka Euro 2016 uu ugu qabsoomi lahaa xaalada amaan ee ugu fiican.

“Ammaanka garoomadu wuxuu u shaqeeyey si wanaagsan, Khatartu waxay hoganaysaa waa shaaracyada, iyo meelaha dadku isugu yimaado.”

Tartanka qaramada qaarada Yurub kulankiisa Finalka ayuu jadwalku qorayaa inay ka dhacayso garoonka Stade de France, bisha July 10 keeda.

Jimcihii, Afar qof ayaa ku naf waayay qarax lala beegsaday meel wax yar u jirta Garoonka, halkaas oo ay ka socotay ciyaar saaxiibtinimo oo xulka France la ciyaarayay qaranka Germany. Ciyaaraha Euro 2016 ayaa ka bilaabmaya garoomo ku fidsan gudaha Faransiiska 10 ka bisha June.

Dhawr ciyaarood oo Faransiiska ka dhici lahaa ayaa la hakiyey oo dib loo dhigay todobaadkan, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dhamaan ciyaarihii Horyaalka qaramada Yurub ee Rugbida (European Rugby Champions Cup).

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.