WorldRemitAds

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Xalay – Hargeysa, Somaliland, October 27, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) ayaa la sheegay inuu xalay kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), kaas oo sida la sheegay ku saabsanaa arrinta ka dhalatay tartanka shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE, sababtayna in dhawr toban xubnood iska casilaan golaha wasiirada Somaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka Madaxweyne Siillaanyo iyo Guddoomiyaha Guurtida, hase yeeshee waxay ilo ku dhowdhow madaxtooyadda iyo golaha guurtidu tilmaameen in Guddoomiyaha Guurtidu ula tagay Madaxweynaha inuu ka ergeeyo waxyeelo looga illaalin lahaa xisbiga KULMIYE iyo dawladiisaba, isagoo sida la sheegay u soo jeediyay in Madaxweynaha iyo qoyskiisuba ay dhex ka noqdaan tartanka u dhexeeya murashaxiinta ku tartamaysa golaha dhexe ee KULMIYE, sidii uu horeba ugu dhawaaqay Madaxweynuhu markii uu toddobaadkii hore dalka dib ugu soo laabtay.

saleebaanSidoo kale ilaha warkan laga helay waxay sheegeen in Saleebaan-gaal kula taliyay Madaxweynaha in tallaabadan uu ku kala raacayo murashaxiintu ay waxyeelo weyn u geysan doono in xisbiga KULMIYE ku guulaysto doorashada guud ee ay kula tartami doonaan xisbiyada kale ee dalka, isagana ay taariikh xumo raad ku yeelata ku noqon doonto.

SomlegalAds

Warkani ma sheegin in Madaxweynuhu aqbalay talooyinkii uu u soo jeediyay Saleebaan-gaal, balse waxa la sheegay in guddoomiyaha Guurtida Somaliland, oo la filayo inuu maalinta beri ah dalka ka dhoofaa uu si adag ula hadlay Madaxweynaha.

Kulankan xalay dhexmaray Madaxweyne Siillaanyo iyo Saleebaan-gaal ayaa ahaa kii labaad ee afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyay ay ku kulmaan, iyadoo kan uu ka horeeyay kulan subaxnimadii shalay la sheegay inay Madaxtooyada ku kulmeen, isla markaana uu Saleebaan-gaal ergo uga ahaa inuu Madaxweynuhu wax ka bedelo go’aankiisii uu musharaxa keliya ugu xidhayay xisbiga KULMIYE, ka hor intii aanay shalay bilaabmin is-casilaada dhawr iyo tobanka xubnood ee golaha Wasiirada Somaliland, kulankaas hore oo sida la sheegay uu kala soo noqday Saleebaan hungo, kadib markii Madaxweynuhu ku gacansaydhay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.