WorldRemitAds

Khabiiro aqoonta caafimaadka ku xeel dheer oo u dhashay dalka Masar ayaa markii ugu horeeyay ikhtiraacay, nooc cusub oo buskud ah, kaas oo loo isticmaalayo sidii aad hoos ugu dhigi lahayd haddii heerka dhiigu kaco qofka ama uu iska dareemo in duxda dhiiga gasha ee Cholesterol ay ku badan tahay.

Buskudkan oo ah ama la mid ah kuwa caadiga ah wax badana dhadhankiisu u dhow yahay, waxa ku jira dhawr mili giraam oo ah dawooyinka dejiya dhiig karka iyo Cholesterolka, waxaana sida warbaahintu sheegtay hindisaha buskudkan lahayd gabadh dhalinyaro ah oo dhawaan dhamaysatay jaamacada culuunta caafimaadka ee dalkaas.

Gabadhan oo lagu magacaabo Dr. Wafa Kaamil waxa ay dhawaan shahaadada Digtoor ku qaadatay, qaab samayska iyo dawaynta unugyada dhiiga waxaanay baadhitaan ay dhawr sanadood wada ka dib ikhtiraacday dawadan maca buskudka ah.

SomlegalAds

Sida warbaahintu sheegtay waxa markii ay gabadhani farsamaysay noocan cusub ee dawada ah baadhitaan ku sameeyay mac-hadka dawooyinka iyo fisigiska ee ugu balaadhan dalkaas, ka dibna waxa lagu ogaaday in buskudkaas dawada ahi isku dheeli tiran yahay.

Geesta kale dadkii ugu horeeyay ee isticmaalay ayaa muujiyay dareen aad u wanaagsan kana waramay sida wax wayni isaga badalay caafimaadkoodi, waxa kale oo baadhitaan lagu sameeyay buskudkan lagu ogaaday oo kale in dadkii isticmaalay boqolkiiba 62% ay kaga raysteen.

Inkastoo wali uu tijaabo ku jiro buskudkani haddana waxa dhakhtaradan farsamaysay iyo shirkada ku hawlan suuq galintiisu rejo wayn ka qabaan in uu wax badan ka taro dhibaatada, bukaanada qaba xanuunadaa ka haysata marka ay ku kacaan iyo ka hor inta aanay dhakhtarka la xidhiidhin sidii ay ula macaamili lahaayeen xanuunkaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.