WorldRemitAds

Cilmi baadhis cusub oo dhawaan laga sameeyay, dalal badan oo ka tirsan qaarada Yurub, lagu ogaaday dhibaatada cuntada badani u leedahay aadamiga, gaar ahaan sida ay u waxyeelayso caafimaadka maskax iyo jidheed ee dadka.

Cilmi baadhistan cusub oo ay samayeen jaamacadaha dalka Talyaanigu waxa lagu sheegay in cuntada yar ay u fiican tahay ama aad u caawiso, maskaxda iyo xusuusta qofka, taas oo macnaheedu yahay markasta oo qofku yaraysto cuntada in fikirkiisa iyo xusuustiisu aad u fiicnaato.

Daraasadan ayaa sidoo kale sheegtay in ka fogaanshaha macmacaanka iyo isticmaalka koob bun ah oo cuntada dabadeed, qofku qaataa ka caawiso maskaxda in si wanaagsan ay u shaqayso, qofkuna qaadan karo, go’aamo aad u wanaagsan kana gun gaadhi karo arrimaha ku taagan markaas.

SomlegalAds

Sida warbixintan caafimaad lagu cadeeyay sababta ay cunto yaraanta iyo ka fogaanshaha macmacaanku, u caawin karaan maskaxda ayaa ah, borotiin maskaxda xusuusta iyo fikirka wanaagsan ka caawiya oo lagu magacaabo, (CREB1) ayaa si wanaagsan u shaqeeya marka qofku yareeyo cuntada isla markaana ka fogaado, macmacaanka ka dibna koob bun ah markasta oo uu wax cuno uu ka dabo geeyo.

Waxa kale oo ay khabiiradu cadeeyeen in markasta oo cuntada jidhka laga yareeyo, ay aad hoos ugu dhacaan, qaybaha dhiiga ku jira ee sameeya heer kulka dheefshiidka caawiya, kuwaas oo ah unugyo aad u tiro badan, oo mashquuliya maskaxda iyo fikirka qofka.

Warbixinta ay soo saareen khabiiradan oo lagu daabacay jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, ayaa intaa ku dartay in dadka jecel waxbarashada gaar ahaan ardayda gelaysa imtixaanaadka ay aad ugu wanaagsan tahay inay yaraystaan cuntada, gaar ahaan wakhtiyada imtixaanaadka ay u fadhiisanayaan, si maskaxdoodu u hesho deganaan badan oo ay kaga fikirto su’aalaha la waydiinayo.

Cilmi baadhistan ayaa sidoo kale cadaysay, in cabista koob bun ah ama shaah ah, marka uu qofku wax cuno, ama cuntada ka dib ay jidhka ka caawiso dardar gelinta borotiinada ka masuulka ah inay maskaxda ka caawiyaan shaqadeeda, sababtoo ah waxa ku jira shaaha iyo bunka maado firfircooni gelisa jidhka oo lagu magacaabo Kafin, taas oo wax wayn ka taraysa habsami u shaqaynta borotiinada sida gaarka ah maskaxda ula shaqeeya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.