WorldRemitAds

Baadhitaano tiro badan oo laga sameeyay shaqada habeenkii ee haweenka iyo saamaynta ay ku yeelan karto, caafimaad-kooda ayaa lagu ogaaday, in halis badan ay u leedahay caafimaadka haweenka, kuna keento cuduro tiro badan oo ay ka mid yihiin, xanuunka Kansarka ku dhaca naasaha.

Baadhitaankii ama daraasadii ugu danbaysay oo laga sameeyay dalka Faransiiska ayaa cadaysay, in soo jeedka iyo shaqada habeenku ay haweenka dhalan gadis ku samayso, noloshooda iyo habka bayoolaji ee jidhkoodu u dhisan yahay, taas oo marka ay is badasho keenta in jidhku sii daayo hoormoono aanu u baahnayn oo keena, xanuunada Kansarka Naasaha boqolkiiba sodon, mararka qaarkoodna sababa xanuuno, dhaawaca dheef shiidka iyo isku dheeli tirnaanta maskaxdeeda.

SomlegalAds
Maxaa Ku Cusub Caafimaadka - Haweenka Iyo Shaqada Habeenkii
Haweenay habeen shaqaynaysa

Haweenayda hor kacaysay baadhitaankan oo ka tirsan Machadka lagu magacaabo, (French National Institute for Scientific Research), Mary Ann Gouthe ayaa tilmaantay in haweenka soo jeeda habeenku ay halis u yihiin, xanuunka kansarka ee ku dhaca naasaha (Night Shift Works Can Cause Breast Cancer).

Khabiiradan oo ka hadlaysa sababta ugu wayn ee halista intaa leeg haweenku ugu galayaan, soo jeedka iyo shaqada habeenkii, ayaa tilmaantay in saacadaha soo jeed iyo kuwo hurdo iyo waliba kuwa cunto qaadasho ee aadamigu kala duwan yihiin, gaar ahaan raga iyo haweenka, sidaa awgeed wakhtiyada habeenkii, qaabka Biology ee haweenaydu is badalo isla markaana sameeyo hormoono ugu horaynta sababa baruur xad dhaaf ah oo jidhkooda gasha, ka dibna isku rogta cuduro halis ah.

Khabiiradan Faransiiska ah ayaa ugu danbayntii ka digtay, halista caafimaad iyo ta bulsho ama qoysnimo ee soo jeedka habeenku u leeyahay haweenka, gaar ahaan waxa ay xustay in saacad kasta oo dib ay shaqada ugu dhacdo haweenaydu ay ku keento dhibaato caafimaad oo aan la qiyaasi karin, halka ay ugu danbayntana ka saamayn karto nolosha qoyskeeda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.