WorldRemitAds

Cilmi baadhayaal ka tirsan jaamacadaha Maraykanka ayaa ogaaday in quudashada Heeda iyo waxyaabaha laga sameeyaa ay hoos u dhigaan isla markaana yareeyaan halista duxda dhiiga ku dhalata ee afka qalaad loogu yeedho, Cholesterol-ka.

Borofoseerkii hor kacayay cilmi baadhistan ay samaysay Jaamacada Toronto University oo lagu magacaabo Professor David Jenkins, oo ah baadhe ku takhakhusay cuntooyinka la quuto oo ka waramay natiijada baadhistooda ayaa sheegay in baadhis dheer oo ay ku sameeyeen dad tira badan oo ka cabanayay dufanka dhiiga ku samaysa ay ku ogaadeen in isticmaalka joogtada ah ee Heeda iyo waxyaabaha laga sameeyaa ay si wayn u yareeyaan halista xanuunkan isla markaana ay ka hor tag u noqon karaan dadka ka cabsida qaba.

Borofoseerkan ayaa tilmaamay in dhamaan cuntooyinka galka leh ee sida dabiiciga ah u baxaa ay yareeyaan dufanka ama duxda dhiiga ku dhalata, hasa yeeshee shayga ugu fiicani yahay Heeda iyo isticmaalkeeda.

SomlegalAds

Cilmi baadhistu waxa ay sheegtay in heerka Cholesterol-ka ee jidhku uu xoog hoos ugu dhaco marka la quuto ee qofku isticmaalo Heeda, ilaa heer hal sida ay daraasadu sheegtay ay halka mar ee la quutaa gaadhsiiso heerka ay hoos u dhigayso Duxdaas dhiiga ku dhalata, boqolkiiba 20%.

Sida ay sheegeen tilmaamayso warbixintan caafimaad qof kasta oo leh xanuunkaasi waa inuu raaco nidaam cunto qaadasho oo isku miisaaman 80% uu cuntooyinkiisa ka dhigaa kuwo dufanku ku yar yahay kana taxadiraa waxyaabaha aan loo haysan inay dufan leeyihiin ee qaniga ku ah Borotiinka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.