WorldRemitAds

Caafimaadku waa hadiyad Alle (SW) uu adoomihiisa ku manaystay, waana fursad aanu qofku dareemin inta uu hayo, laakiin dib ka ogaado marka uu waayo ama nimcadaasi dhaafto, haddaba sidaa si la mid ah waxa ka dhigan ka hortaga oo ka wanaagsan dawaynta, sida halku dhegyo badani inoo tilmaameen, (Prevention is better than cure), Ka hortagu wuxuu ka fiican yahay dawaynta”

Haddaba baadhitanaada caafimaad iyo daraasadaha dunida laga sameeyay kuwoodi ugu danbeeyay ayaa muujinaya ama ka digaya halista ay leedahay dawooyinka la qaato, habka loo isticmaalo iyo tirada looga baahan yahay in bukaanku qaato sida ay daruuriga u tahay inuu dhamaantood talo dhakhtar u raaco.

Baadhitaan caafimaad la sameeyo tii ugu danbaysay ee dhawaan dunida laga fuliyo ayaa muujinaysa halista ay leedahay in qofku dawada gaar ahaan kiniinka qaato isagoo dhabarka u jiifa, isticmaalka noocaan ah ayay ka dayrinayaan xeel dheerayaasha caafimaadku waxaanay ku tilmaameen hab halis galin kara nolosha guud ee qofka.

SomlegalAds

Sababta ugu wayn ee ay ku cileeyeen arintan ayaa ah in marka qofku dawada liqayo ay u baahan tahay nooc walba hab loo qaato, isla markaana ay leedahay tilmaamo la raaco, sidaa daraadeed waxa ka reeban kiniinada la liqo inuu qofku calaliyo ama inuu biyo ka hor cabo, waxa kale oo mamnuuc ah inuu isagoo dhabarka u jiifa uu liqo oo is dhaafiyo kiniinka, dad badan ayaa jeclaysta marka ay xumad ama kaar hayo kiniinka liqaan iyagoo dhabarka u jiifa, laakiin taasi waxa ay leedahay halis caafimaad oo abuuri karta xanuuno kale oo qofka haleela.

Sida warbixintan caafimaad tilmaamayso dawada in la liqo loogu tala galay waxa ay u baahan tahay ama lagama maarmaan ah inuu qofku sideeda isku dhaafiyo, sababtoo ah? Waxa loogu tala galay oo kaliya inay caloosha gaar ahaan midhiciradu burburiyana, hasa yeeshee looma baahna in ilkaha ama qaybaha hunguriga ay sii marto iyadoo burbursan, waxa kale oo halista ay leedahay ka mid ah in qofku neefsado oo kiniinku raaco hunguriga neef mareenka taas oo sababi karta inuu qofku ku saxdo ama dawadii oo biyuhu mileen ay raacdo qaybta qanjidhada iyo neef mareenka.

Burburinta ama calaliska kiniinka ee afka ayaa isna ah mid aan loo baahnayn, gaar ahaan dawooyinka u xun inuu qofku qaato isagoo dhabarka u jiifa waxa ka mid ah kiniinka kaabsoolka ah, oo sida dhakhaatiirtu sheegeen loogu tala galay inuu toos u gaadho mindhicirada ka dibna ku burburo xaraarad loogu tala galay, haddii aad liqayso kiniin kaabsool ah ha isku dayin inaad biyo ka hor cabto ama adigoo afka biyo ku haysta aad isticmaasho kiniin kaabsool ah.

Kiniinada sida caadiga ah loo isticmaali karo ama qofku calalin karo waxa ka mid ah fiitamiin C-ga oo isaga la muudmuudsan karo, kiniinada loo isticmaalo Asidhka sida kuwa Somalidu u taaqaan in loo isticmaalo laabdilaaca, waxa kale oo jira nooc ka mid ah Spirin-ka oo isna sidiisa loo muud muudsado, laakiin kiniinada Kaabsoolka ah waxa looga baahan yahay qofku isagoo si caadi ah oo isku miisaaman u fadhiya inuu isticmaalo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.