WorldRemitAds

Khubarada cuntada ee dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in Shaaha Madow uu leeyahay faa’iido caafimaad oo jidhka iyo koriinkiisa qayb ka qaadan karta, gaar ahaan waxa ay khabiiradani ka warameen macdanta Potassium oo ku badan ama ku jirta shaaha madow taas oo haddii qofku helo maalinti waxyaabo ay ku jirto uu koriinka maskaxeed iyo jidheed kor u kaco.

Phil Imprat oo ka mid ah koox khubaro ah oo baadhitaan ku sameeyay shaaha ayaa sheegay in faa’iidooyin caafimaad uu jidhka u leeyahay shaaha madoobi, khabiirkani waxa uu intaa ku daray in daraasad ay dhawaan sameeyeen natiijadii ka soo baxday noqotay mid aad ugu yaabisay oo ay ku ogaadeen in dadka Isticmaala shaaha bigaysku ay kaga yar yihiin kuwo dhigooda ah ee aan shaaha bigayska ku cabin, xanuunada wadno xanuunka iyo joog joogsiga wareega dhiiga.

Khabiirkan ayaa sidoo kale sheegay in Shaaha bigayska ee sida joogtada ah loo isticmaalaa uu jidhka u leeyahay faa’iido aan la soo koobi karin, sababtoo ah? Waxa shaaha madow ee bigayska ah ku jira, Maadada Flavonoids iyo Antioxidants oo ah maadooyin la dagaalama waxyaabaha gabowga jidhka ku dhaliya isla markaana fir fircooni galiya dhiiga iyo koriinka jidhka.

SomlegalAds

Shaaha Bigayska ah ayay dhakhaatiirtu ku tilmaameen cudud cusub oo lagula dagaalami karo, xanuunada wadnaha iyo dhiig karka, sababtoo ah curiyayaasha ku jiraa waxa ay la dagaalamaan duxda dhiiga gasha ee afka qalaad loogu yeedho “Cholesterol.”

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in curiyaha Fluoride uu ilkaha ka yareeyo xanuunada ku dhaca sida suuska, ciridka dhiiga iyo saliilyada, waxaanu hoos u dhiga ama yareeyaa sida dhakhaatiirtani sheegeen suuska madoobeeya ilkaha.

Shaaha madow ee dhakhaatiirtani ka hadleen ayaa ah ka aan sonkorta badan lahayn isla markaana si dabiiciya oo aan la khamiirin loo kariyo, ugu danbayntii dhakhaatiirtu waxa ay tilmaameen in shaaha madoobi leeyahay kafiin badan, isla markaana ay ku yar yihiin curiyayaasha loo yaqaan Calories oo ah waxyaabaha sababa suntan dhiiga gasha.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.