WorldRemitAds

Had iyo jeer khubarada iyo dadka wax farsameeya ee dunidu waxa ay inta badan dedaalka saaraan, waxyaabaha loogu xiisaha badan yahay, ee baahidoodu ku badan tahay dadka, kuwaas oo gacansi ahaana, dakhligooda iyo macaashka ka soo galayaa noqon karo mid buuran.

Akhriste sidaan ka wada ognahay, telefoonka gacantu waxa uu noqday, aalada loogu isticmaalka badan yahay, kaas oo sida dadka baadha waxyaabaha loogu adeegsiga badan yahay ee dunidu sheegeen, waxa uu noqday, shaygii loogu isticmaalka badnaa dunida, mana jiro taariikhda inta la xasuusan yahay, aalad kale oo kumanaan milyan oo qof oo aduunka ku dhaqani sidiisa oo kale u wada sitaan.

Mobile lagu charge garaynayo MIiskaHaddaba sida adeegsigiisu u batay ayay baahiyihiisa kala duwan ee telefoonkuna u kordheen, una noqdeen, kuwo liiska ganacsiga iyo wax soo saarka warshadaha gala, oo ay ku tartamaan.

SomlegalAds

Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, labo injineer oo u dhashay dalka Norway ayaa, ikhtiraacay dhawaana doonaya inay suuqa geliyaan, miisas buuxinaya baytariyada telefoonada gacanta, waxaanay miisaskan oo kuwa guryaha la dhigan karo, kuwa madbakhyada iyo kuwa lagu dul cunteeyo intaba isugu jira, ay korontada ka dhalinayaan, kulaylka koobabka shaaha, bunka iyo suxuunta cuntadu ku jirto.

Misaskan ayaa awood u leh in muddo toban daqiiqo oo kaliya ay ku buuxin karaan, baytariyada aaladaha lagu buuxsanayo.

Labadan injineer oo lagu magacaabo, Sergey Komardenkov iyo Vihanga Gore, ayaa ikhtiraacay rabadh qiyaastiisu toban santimitir, kaas oo miiska ku dul dhejisan oo sida saysarada oo kale loo dul dhigan karo, koobabka shaaha iyo bunka, ka dibna ilbidhiqsiyo gudahood ku samaynaya dab buuxinaya baytariga telefoonka.

Waxaana sida jariiradu sheegtay aaladan aan qiyaasteedu ka badnayn salka koobku, macaamiisha maqaaxiyaha bunka iyo shaaha laga cabo u fududayn doonta in baytariyada telefoonadoodu ugu buuxsamaan, toban daqiiqo wax ka yar ama inta uu koob shaah ama bun ah cabayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.