WorldRemitAds
Shirkad yar oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa ikhtiraacday, qalab xafidaya aaladaha tignoolajiga casriga ah ee aan sidashadooda laga maarmin, sida telefoonada gacanta iyo kaambuyuutarada, waxaanu qalabkan yar oo ku xidhmaya, kaambuyuutarada iyo telefoonada gacantu, qofka leh xasuusinaya hadduu ilaawo ama laga xado.

Jibkan yar oo loogu magac daray, “Sensor 1” kaas oo qiyaas ahaan le’eg kaadhka telefoonka ee caadiga ah, waxaanu ku shaqaynayaa internet-ka iyo Bluetooth, mar kastana waxa uu la shaqaynaya rabitaanka qofka haysta.
Sida la sheegay qalabkani wuxuu ka mid yahay aaladaha ugu kasmada badan ee ugu sareeya tignoolajiga [Intelligent sensors]-ka ah, waxaanu si dhib yar qofka uga caawinayaa inuu ogaado meesha telefoonkiisu yaalo, xaalada kaambuyuutarkiisa gacanta.
Xitaa waxa suura gal ah, in haddaad ka tagto kaambuyuutarkaaga ama iPad-ka oo aad mushqusha gasho, inuu ku sheegi karo cid kasta oo faro faraysa, haddii laga xado qalbakaaga waxa aad si dhib yar u ogaan kartaa, meesha lagu hayo oo wuxuu mar walba ku siinayaa fariimo uu kuugu sheegayo halka qalabkaagu yaaalo.
Habka aad u ahaysan karto ayaa aad u fudud oo waxaad ku xidhan kartaa qoorta ama dhudhunka oo sida saacada oo kale aad ugu qaadanayso, halkaas oo uu maalin iyo habeenba kuugu shaqaynayo, shay kastana uu kuu xafidayo marka aad I barto ee uu barnaamijkiisa fahmo.
Wuxuu suura gal ka dhigayaa inaan furaha gaadhigu kaa lumin ama raadintiisu wakhti badan kaa qaadan, in aanad waayin telefoonkaaga gacanta ama aan qalabkaaga kala duwan cidi kaa faro farayn Karin, xadisna daa warkeeda.
Sida shabakada wararka Tegnoolajiga ee Next ku warantay, qalabkan caqliga badan ee alaabtaada kuu ilaalinaya, xatooyada iyo lumistana dawada ka noqon doona, ayaa suuq gelintiisu si rasmi ah dunida uga bilaabmi doonaa bisha soo socota ee March 2016-ka.
Dad badan ayaa la dhib muta raadinta furaha gaadhiga, telefoonkiisa mobile-ka halkuu dhigay iyo kaambuyuutarkiisa gacanta, gaar ahaan wakhtiyada shaqada la tagayo ama marka uu qofku gurigiisa ka baxayo, hasa yeeshee sida warbaahintu sheegtay qalabkani waxa uu meesha ka saari doona dhibaatadaas.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.