WorldRemitAds

Dhibaatada ka taagan xaaladda jawiga ee sii xumaanaysa sanadihii u danbeeyay, gaar ahaan qaaradda Yurub iyo dhulka qaboobaha ah ee barafku fadhiisto, ayaa ku kaliftay in khubarada farsameeya gaadiidku ikhtiraacaan nooc cusub oo Muraayadaha baabuurta ah, kuwaas oo awood u leh inaan barafku dul fadhiisan Karin, heer kasta oo cimiladu gaadho.

Shirkada gaadiidka kala duwan farsamaysa ee Volkswagen ee dalka Jarmalka ayaa dhawaan soo bandhigtay nooc cusub oo muraayadaha gaadiidka kala duwan ah, kuwaas oo sida la sheegay lagu diyaariyay hab cilmiga fisigiska la isticmaalayo.

Muraayadahan ayaa awood u leh inay baraf kasta oo ku dul dhaca muraayada ka dhigaan biyo iyagoo isticmaalaya falaadho iyo kulaylisooyin kuwaas oo barafka u badalaya biyo, Sida injineeradii farsameeyay sheegeen, heerka ugu sareeya ee muraayadahani awoodi karaan inay barafka biyo u rogaan ayaa ah marka heer kulku gaadho 17-digrii ka hoos maro heerka biyuhu ku barafoobaan.

SomlegalAds

Inkastoo ay hore dunidda uga jireen ama gaadiidka intiisa badani leeyihiin kulaylisada muraayadaha lagu sii daayo wakhtiga roobku da’ayo oo qalajiya muraayada si aragtidu ugu fiicnaato wadaha, hadana may ahayn kuwo awood ahaan qaadi kara heerkul gaadhsiisan 17-digrii hoos ka maray heerka biyuhu ku barafoobaan.

Muraayadahan oo leh layman ama xariijimo gudaha kaga jira oo falaadho kulayl is gaadhsiinaya waxay awoodi karaan in gaadhiga oo saacado badan baraf dhex yaalay marka la istaadho ee la shido mishiinkiisa ay ku kala firdhiyaan ama ku dhalaaliyaan barafkii saarnaa muraayada wakhti ka yar toban ilaa shan daqiiqo oo kaliya, halka hadii gaadhigu dhex qaadayo baraf iyo dabaylo baraf wata uu si dhibyar biyo masaxda (Wiper)ta uga isticmaalayo kulaylisadaa dhalaalinaysa barafka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.