WorldRemitAds

Shirkada Telefoonada noocyadooda kala duwan samaysa ee Motorola oo ka mid ah, kuwa ugu balaadhan dunida, ayaa shaaca ka qaaday, noocyo telefoonada Smart Phone-ka loo yaqaano ah, oo ay dhawaan soo saari doonto, kuwaas oo si ay suuq fiican dunida uga helaan tartana ula gali karaan, dhigooda kale ee dunida ay u farsamayn doonaan sida qofka iibsanayaa u rabo in loogu sameeyo ama adeegyada uu doonayo in lagu daro.

Shirkada Motorola oo laga leeyahay dalka Maraykanka, dhawaana ay iibsatay shirkada internet-ka ugu balaadhan dunida ee Google, ayaa sheegtay in ay soo saari doonto telefoon cusub oo kuwa gacanta ah, kaas oo leh adeegyada ugu casrisan iyo qalabka ugu sareeya tignoolajiyada dunida, walibana ay dheer tahay adeegyo loogu darayo qofka iibsanayaa marka uu soo codsado.

Telefoonkan cusub oo shirkadu sheegtay in loogu magac daray, (Motorola X), ayay khabiirada shirkadu sheegeen, in loo diyaariyay ilaa kun meelood oo laga badali karo haddii macaamiisha ama qofka ka iibsaday uu qawado.

SomlegalAds

Inkasta oo shirkadu iibka u horeeya ee telefoonadeedan ay ka bilaabi doonto, dalka Maraykanka haddana waxa ay macaamiisha ka baxsan dalkaasi ay dalabkooda ka soo dhiiban karaan, shabakada internet-ka, taas oo suura gal uga dhigaysa qofka doonaya in adeegyo hor loogu soo daro ama wax cusub loogu soo kordhiyo, in uu boosta ku soo diro, ka dibna afar iyo toban cisho gudahood oo kaliya uu ku helayo isagoo sidii uu u codsaday looga soo dhigay.

Shirkada Motorola oo suuq xumo wayni soo waajahday, isla markaana awoodi kari wayday in ay tartan la gasho shirkadaha kale ee dhigeeda ah sida Apple iyo Samsung, ayaa doonaysa in ay ku hesho dad badan oo telefoonadeedan iibsada, kuwaas oo ugu yaraan ay diyaar u tahay in qof walba ay u raali galiso sida uu doonayo in telefoonkiisu noqdo.

Nashqadaha ugu horeeyay ee telefoonadan oo shirkadu baahisay ayaa muujinaya in adeegooda iyo qalabkoodu aad u sareeyo oo lagu farsameeyay, tignoolajiyada ugu casrisan dunida, waxa uu leeyahay shaashad ama muraayad qiyaasteedu dhan tahay 12cm, halka lagu qalabeeyay kamarad sawirkeeda iyo xajmiga ay qaadaysaa aad u sareeyo.

Waxyaabaha xayaysiiska shirkada Motorola ku jira ayaa waxa ka mid ah, in dadyowga ku nool waddamada adeegooda Internet-ku liito ay ugu kordhinayaan qalab suura gal uga dhigaya in marka internet-ku cuslaado uu kordhisan karo, isaga oo aan shirkadii adeega siisayna culays dareemayn ama ogaan Karin, waxa kale oo uu qofku nambarada iyo waxyaabaha ugu jira ku kaydsan karaa qaybo kayd oo uu iska diiwaan galinayo, sidoo kale habka uu u xafidanayo iyo sida aan loo jabsan Karin haddii laga xado ayaa loogu darayaa haddii uu qofku doonayo, baytariga ayaa isna 24-saacadood qofka u shaqaynaya muddo laba sanadood gaadhaysa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.