WorldRemitAds

Jariirada New York Times ayaa cadadkeedi khamiistii kaga warantay Muraayad heerkeeda tignoolaji sareeyo oo Shirkada Google ku hawlan tahay sidii ay dhawaan suuqyada caalamka ugu soo dayn lahayd, muraayadahan ayaa ah kuwo kaambuyuutaraysidh ah oo ku shaqaynaya barnaamijka loogu yeedho Android.

Inkastoo shirkada Google ay wali qarinayso xaqiiqada dhabta ah iyo waxa ay qabanayaan muraayadahaasi, xaqiiqo iyo xogo badana aan laga hayn, hasa yeeshee waxa ay jariiradu ku tilmaantay kuwo leh awood ay ku gudbin karaan macluumaadyo kala duwan, isla markaana leh kamarada awoodoodu aad u sarayso oo qaadaya sawiro xajmigooda iyo awoodooduba tayo badan tahay.

Kamaradaha ku rakiban muraayadahan ayaa gudbin kara macluumaad kasta oo ay arkaan ama qofka xidhani ku eego, iyaga oo aan u baahnayn wax lagu xidhiidhiyo waayo? Waxa ay ku hanaansan yihiin internet Thuraya ah oo meel kasta ku shaqayn kara.

SomlegalAds

Dhinaca kale waxa ay muraayadahani yihiin kuwo laga hagi karo meel fog laguna socon karo kaambuyuutaro meel ka durugsan halka qofku ku sugan yahay yaala, oo macluumaadka oo dhan ay u gudbinayso muraayadani.

Sidoo kale waxa ay muraayadani leedahay awood ay qofka ku siinayso macluumaad sugan oo ku saabsan goobta uu joogo, ilaa xitaa taariikhdii la dhisay, shaqada lagu qabto iyo waxa uu xafiiska ama xarunta uu joogaa ay tahay, waxa kale oo uu mar u wada sheegi karaa, dhamaan qalabyada ammaanka ee ku rakiban goobta sida kamaradaha qarsoon iyo wixii qalab ah ee baadhitaanada iyo ilaalada goobta la xidhiidha.

Shirkada Google ayaa hore u samaysatay JPRC ama qalabka qofka dhaq dhaqaaqiisa iyo goobta uu ku sugan yahay lagu ogaan karo, ka ugu casrisan ee dunida guudkeeda yaala, kaas oo ku dhex jira, saacad uu qofku si caadiya isaga xidhanayo, kaas oo sida lagu ogaan karaa aad u adag tahay.

Ururka ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee aadamaha ayaa si kulul u canbaareeyay muraayadan cusub ee la sheegay in shirkada Google ay ku hawlan tahay, waxaanay ku tilmaameen muraayadaas iyo saacadii hore shirkadaasi u samaysay labadaba kuwo ku lid ah xoriyada iyo lahaanshaha qofka isla markaana loo adeegsan karo, ama looga faa’iidaysan karo, basaasid iyo daba gal in dad si gaar ah loo raad gurayo loo isticmaalo.

Shirkada google ayaan iyadu ilaa wali ka hadal, ama sida ay jariiradu sheegtay ka gaabsatay in ay beeniso iyo in ay qirato, hasa yeeshee waxa kaliya ee xoog ahaan la hayaa waa in shirkadaasi ku hawlanayd samaynta muraayadan iyo qalabyo kale oo lagu sameeyo, xarun sir ah oo ay leedahay shirkadaasi, taas oo loogu yeedho Google X.

Muraayadan ayaa markii ugu horaysay ee aduunka sheekadeedu soo gashay lagu arkay ama qayb ka ahayd, filimkii lagu magacaabi jiray Robocop, oo inta badan sheekadiisu la xidhiidhay tignoolajiyada iyo qaababka loo adeegsan karo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.