WorldRemitAds
Xarunta daabicista iyo faafinta Qur’aanka Kariimka Dalka Turkiga ayaa soo saartay qalin farsamadiisa tignoolaji aad u sarayso, kaas oo awood u leh akhrinta kitaabka Alle, qalinkan oo ah mid aad farsamadiisu u sarayso waxa uu Qur’aanka u akhriyayaa habab kala duwan oo Aayad aayad ah ama xaraf xaraf ah.

Agaasimaha xaruntan oo lagu magacaabo Ali Yildiz oo u waramayay wakaalada wararka Turkiga ee Anatolia ayaa sheegay in tan iyo markii la aasaasay Madbacadoodan casriga ah ay daabaceen, 162, nooc oo kitaabka Qur’aanka oo kala duwan ah, kuwaas oo qaabka qoraalkooda iyo muuqaaladoodu kala duwan yihiin.
Tignoolajiyada DunidaAgaasimaha ayaa sheegay in shirkadoodu kaliya aanay awooda saarin daabacada oo kaliya, balse ay ku dartay oo ku dedaashay sidii loo fududayn lahaa barashada Qur’aanka iyo akhriskiisa labadaba, gaar ahaana ay si gaar ah xil isaga saareen dadka aan akhriyi karin ee aan waxna qorin waxna akhriyin oo ay u raadiyeen xal ay ku akhrisan karaan kuna baran karaan.
Mr. Yildiz ayaa sheegay in si dadka aan baran Qur’aanka Kariimka ay ugu fududaato ay u horumariyeen Qalin, si fudud ugu akhriyaya kitaabka haddii ay Aayad Aayad tahay iyo waliba haddii ay xaraf xaraf tahay, waxa kale oo uu xusay in ka sakow qiraa’ada uu qalinkani awood u leeyahay inuu macnahana u raacin karo isaga oo marba qayb ka maamulanaya.
Agaasimaha Xarunta Faafinta Kitaabka Alle Ee khayriga ah ayaa sidoo kale ka waramay, kutub si gaar ah ay u wada shaqaynayaan qalinkan oo si gaar ah loogu farsameeyay, waxa kale oo uu ka hadlay codadka culimada dhawaaq ahaan akhriyaysa ee qalinkan ku duuban oo uu sheegay in ay yihiin 114-Sheekh oo ku kala duwan akhriska Qur’aanka Kariimka.
Masuuliyiinta xaruntan ayaa tilmaamay sida qalinkani u fududayn doono in dadka aan helin yaraantoodi fursad ay ku bartaan, Qur’aanka Kariimka iyo kuwa ku sugan meelo aanay macalin heli karayn uu qalinkani u fududayn doono barashada iyo fahamka Qur’aanka, isla markaana u noqon doono macalin meel kasta la jooga oo baraya kitaabka Alle, macne ahaan iyo barashadiisa akhris iyo faham intaba.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.