WorldRemitAds

Shirkadda Baabuurta Samaysa ee dalka Ingiriiska laga leeyahay ee lagu magacaabo, (Bentley) ayaa shaacisay in ay soo saari doonto gaadiid, noociisu ku cusub yahay dunida, kuwaas oo si gaar ah loogu farsameeyay in lagu wadan karo dhulka qarfaha ah ee aanay ka jirin jidad wanaagsani ama gabi ahaanba rafka ah.

Shirkadda (Bentley), oo ay dhawr sanadood ka hor iibsatay Shirkadda Jarmalka ah ee lagu magacaabo, Volkswagen, ayaa toddobaadyo ka hor shaacisay in ay samayn doonto gawaadhi, noocoodu yahay kuwa lagu raaxaysto ee afarta taayir leh, kuwaas oo noqon doona, kuwo raaxo iyo adkaysi ama awood.

SomlegalAds

Shirkadda ayaa sidoo kale salaasadii toddobaadkan cadaysay in ay samayn doonto gaadiid nooca afarta taayir leh ah, kuwaas oo ah noocyada lagu raaxaysto, laakiin si gaar ah loogu tala galay dhulka qarfaha ah ee aanay ka jirin jidad wanaagsan ama laamiyo, xitaa haddii dhulkaasi yahay buuraley.

Shirkadda ayaa bayaan laga soo saaray xarunteeda ku taala caasimadda dalka Slovakia ee Bratislava, lagu sheegay in gaadiidkan buuraha iyo meel kasta oo raf ah lagu wadan karaa, soo bixi doono sanadka 2016-ka, waxaanu bayaanka shirkadu xusay in ilaa kun qof ay shaqo ka heli doonaan farsamaynta gaadiidkan cusub.

Shirkadda (Bentley) ayaa la sheegay in lacag gaadhaysa sagaal boqol iyo sodon milyan oo doolarka Maraykanka ah ay ku maal galin doonto, samaynta gaadiidkan cusub, ee muddada sadexda sanadood ah loo qorsheeyay in uu ifka ugu soo baxo.

Shirkaddaha Reer Galbeedka oo burburka dhaqaalaha dunida ku habsadaay si wayn u aafeeyay ayaa ku talo jira, sidii ay u samayn lahaayeen gaadiid noocyo cusub ah oo suuqyada dunida kula tartama Shirkadda Toyota ee reer Jabaan oo iyadu dunida ka noqotay Shirkadda gaadiidkeeda loogu iibsiga badan yahay.

Shirkaddaha dalka Ingiriiska ayaa iyagu noqday kuwa sida wayn dhibaatada dhaqaale burburka dunidu sida wayn u saameeyay, waxaana la xidhay ilaa dhawr shirkadood oo waaweyn oo soo saara ama sameeya gaadiidka noocyadiisa kala duwan, kuwaas oo albaabada la isugu laabay ka dib markii dhaqaale xumo wayni soo food saartay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.