WorldRemitAds

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ee lagu magacaabo (Su -35), oo todobaadkan dufcadii ugu horaysay la gudoonsiiyay ciidamada Cirka ee dalkaas, waxa lagu tilmaamay in ay noqonayaan kuwa ugu casrisan, uguna halista balaadhan dhinaca dagaalka ee cirka, diyaaradani waxa aad uga awood iyo tayo saraysaa diyaadaha dhigooda ah ee F-16, F-18 Ilaa F-22, ee Maraykanka iyo sancooyinka danbe ee diyaaradaha Eurofighter.

Diyaarada dagaalka ee (Su -35), oo ah jiilkii afraad ee Diyaaradaha ay shirkada Sukhoi samayso, waxay awood u leedahay in cirka ay ku dagaalami karto, duqayna karto saldhigyada dhulka, iskana difaci karto gantaalaha lala soo eegto ee dhulka iyo cirka hal mar kaliya, sida injineerada sameeyay ee Ruushku soo bandhigeena diyaaradani waa mid dagaal ahaan kaligeed isku filan, haddii ay dhawr xabadood isku raacaana kaba sii awood badanaya.

Diyaarada (Su -35), waxa ay isticmaalaysaa nidaam dhamaantii Digital ah, kaas oo hubka iyo ku dagaalamidiisuna aad u fududahay una sugan tahay, markii ugu horaysay ee la tijaabinayayna lagu guulaystay, oo sida natiijooyinkii wasaarada gaashandhiga dalkaas loo gacan geliyay ku cad, in ka badan kontan Yool (Target), oo diyaaradaasi wakhti kooban qaarna duqaysay, kuwo kalana iska difaacday halka in kaloo badana ay la dagaalantay waxa ka khaldamay oo kaliya hal gantaal oo isaga laftiisu bar tilmaameedkii ku habsaday laakiin wax ka yar hal meter ka baydhay ubucdii bar tilmaameedka.

SomlegalAds

Diyaaradani waxa kaxaynaya oo ay leedahay hal duuliye oo kaliya, taas oo ka badalan diyaaradihii jiilalkii ka horeeyay ee shirkada Sukhoi oo laba duuliye kaxayn jireen, waxaanay awood u leedahay in ay ka dagaalami karto aag Dagaal oo boqolaal km ku fadhiya dherer iyo balaadhba.

Xawaaraha ay diyaaradani ku soconayso saacadii waa 2500 oo Km, taas oo ah xawaare shan jeer ku libin laabmaya heerka guuxeeda ay kaga dheerayso diyaaradu.

Waxay awood u leedahay in ay duusho masaafo dhan afar kun oo km, halkii mar ee ay dagaal u kicinto, 4-kun oo km, waxaanay duulimaadka dagaal wadan kartaa ilaa 6500 km iyadoo aan wax shidaal ah u baahanayn.

Saanada hub ee ay diyaaradani halkii mar ku dagaal galayso ayaa lagu qiyaasay ilaa sideed tan hub culayskiisu dhan yahay, kaas oo isugu jira noocyo kala duwan oo gantaalo iyo qoryo kala duwan ah, kuwaas oo aanay ku jirin lix gantaalaha diyaaradaha kale ee cadowga ay iska difaacdo oo iyagu baalasha iyo hoosta ugu rakiban.

Diyaarada (Su -35), waxa ay mararka qaarkood samayn kartaa duulimaad joog aad u hooseeya ay ku duuli karto, kuna garaaci karto saldhigyada cadowga, kaas oo ilaa xad gaadhsiisan 1400 Meter, hasa yeeshee wakhtigaas waxa ay isticmaalaysaa shidaal badan, si ay indhaha iyo raadaalada cadowga isaga qariso, oo sida la sheegay, ay awood u leedahay in si isku mid ah, indhaha dadka iyo raadaalada ay isaga qarin karto, sababtoo ah, joogaasi waa mid si fiican loo arki karo marka diyaaraduhu ku duulayaan.

Ciidamada Ruushka ayaa 12-kii xabadood ee ugu horeeyay diyaaradahaas loo gacan geliyay, waxaana la filayaa in ilaa 48-diyaaradood tiradaas la gaadhsiin doono marka la gaadho sanadka 2018-ka, sida la sheegayna diyaaradahan waxa ciidamada cirka ee Ruushku sugayeen muddo dhawr sanadood ah, sidoo kale waxa ay la qabsigooda iyo dagaal galistoodu ku qaadan doontaa muddo bilo ah, wallow hore loogu sameeyay tababaro la xidhiidha adeegsiga qalabka digital-ka ah ee ay diyaaradaasi ku qalabaysan tahay, duuliyayaasha loogu tala galay ee wasaarada gaashandhiga Ruushku u soo xushay, oo iyaga laftoodu ah dhalinyaro jaamacadaha tignoolajiga ka soo baxay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.