WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, January 28, 2018 (Saxafi) – Diyaaraddo yar-yar oo ku gaashaaman qalab u suurta-gelinaya inay hawadda ku sameeyaan Dikhayn Culus ayaa 17-kii bishan (January 17, 2018) si talan taali ah u cadeeyay hawadda Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda ah.

Diyaaraddahan oo u muuqday kuwo caad-weyn hawadda ama is-ticmaalaya hawo ka sameysan Baariyam iyo Allamuniyam (Barium & Aluminium.,) marka la eeggo caadka ay hawadda kaga tagayeen.

Ayaa waxaa Faallo dheer oo digniin ah ka qoray Rashiid Mustafe Xaaji Nuur waxaana uu tilmaamay in diyaaradahani isku weydaaranayay hawada caasinadda Hargeysa ay saameyn muuqata oo toos ah muujiyeen. “Waxaynu caadi ahaan, arki jirnay diyaaraddo marka ay hawadda maraan ka tagga raad-caad ah oo markaaba baaba’a, laakiin, kuwani waa ay ka duwanaayeen” Ayuu yidhi Mustafe, waxaa uu sheegay in Diyaaraddo laba ah oo Bari iyo Koonfur u socda oo ku hawlan buufintaas hawadda uu markii hore arkay, hadana labaatan daqiiqo ka dib uu arkay laba kale oo labadda jiho eek ala iyana u socdda. Aqoonyahan Rashiid Mustafe waxaa uu tilmaamay in habeennimaddiina ay Hargeysa hadhaysay ceeryaamo Cullus oo la wada dareemay. “Subaxnimaddii dadka oo dhan ayaa is weydiinayay Cimiladdan aan caadiga ahayn ee soo korodhay” Ayuu tidhi.

SomlegalAds

Aqoonyahanadda ayaa tilmaamay in Aaladaha hawadda wax lagaga bedelayo ay Sirdoonadda reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub ay bilaabeen todobaatanaadkii tijaabadoodda, iyaggoo ujeedada ka danbeysa ku sheegay inay hawadda kaga didiyaan ama kaga sifeynayaan wasakhda qiiqa warshadahooddu ku xidheen,  sidoo kale, mararka qaar waxaa ay ku tilmaamaan inay u adeegsanayaan currinta darruuro ay iskaga dahaadhayaan falaadhaha cadceedda kaga imanaya ee dhibaatooyinka caafimaad dhallin karra. Laakiin, waxaa soo baxay oo aqoonyahanka caalamku tilmaamay in hawo Dikhaynta culus ee sirdoonaddu weliba Maraykanka oo isagu adeegsnaya ay khasaare xoogan u keeneen noole badana galaafteen, iyaggoo tilmaamay in ay u xunyihiin oo dhibaato gaadhsiiyaan deegaanka guud ahaan, iyagoo wasakhaynaya Biyaha, dhibaataynaya Dhirta iyo Binu’aadmigaba. Gaar ahaana, neerfaha aadamaha six un u waxyeelaynaya. Waxaana dhawaan qaylo-dhaan laga muujiyay gobollo ka mid ah Dalka Maraykanka oo roobabkii tobanaan sanadood laga waayay buufintan Kiimikaad darteed. “Reer Galbeedku waxaa ay leeyihiin dawladdo iyadu hawshan fullinaysa oo ka masuul ah. Laakiin, Somaliland cid lagula xisaabtamayaa ma jirto” Ayuu yidhi Rashiid Mustafe, waxaana uu soo xigtay dhowr warbixinood oo guddiga la socdda arrimaha Somaliya kaga hadleen Xad-gudubyo tiro belay oo lagu sameeyay hawadda Somalia oo Somaliland ku jirto oo hawlo ciidan waddamo badan oo dunnida ahi sida ay doonnaan goorta ay doonaan uga fuliyaan, iyaggoo tijaabooyinka kiimikaad ee ay doonaana ka fulliya,.

Waxana uu Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha la doortay iyo Maareeyaha hay’ada Duulista Hawadda Cabdi Maxamed Rodol ku booriyay inay deg-deg u bilaabaan hawlaha lagu sugayo amaanka hawadda dalka, isagoo soo tilmaamay in la helli karro aalaad lagula socdo dhaq-dhaqaaga hawadda. Islamarkaana ay cadeeyaan inay wixii xad gudub ku sameeya u jawaabi doonaan.

Xigashooyinka.

Why is the CIA spraying us with toxic aluminum and barium particles from planes? https://www.youtube.com/watch?v=mDRjKpt3gXY

Geo-Engineering Documentary 2016 https://www.youtube.com/watch?v=RD2lABk16qE

Chemtrails Killing Americans Exposed By Dr. Blaylock https://www.youtube.com/watch?v=BKtDRZl5b5U

Geoengineering Whistleblower ~ Ex-Military ~ Kristen Meghan, Hauppauge, NY, January 18th, 2014 https://www.youtube.com/watch?v=jHm0XhtDyZA

Geoengineering: Waging Weather Warfare On World Populations https://www.youtube.com/watch?v=TDvLCPe8viU

CIA Whistleblower Speaks Out About Climate Engineering https://www.youtube.com/watch?v=Nl5NW9KcMt0

Geoengineering Watch Global Alert News, December 30, 2017, https://www.youtube.com/watch?v=gnEDxlKgo3w

Harvard’s Solar Geoengineering Research Program Launches Spring 2017 https://www.youtube.com/watch?v=otc7rsbz0iU

https://youtu.be/otc7rsbz0iU

Harvard’s Solar Geoengineering Research Program http://geoengineering.environment..edu/

Geoengineer David Keith Admits to Dangers of Spraying Aluminum https://www.youtube.com/watch?v=5qEBZAE0rbs

NASA Admit To Spraying Americans With Poisonous Chemtrails – Lithium “harmless to the environment” https://www.youtube.com/watch?v=O0DUoHQrew8

NASA Confesses to Dosing Americans with Air-borne Lithium & Other Chemicals http://www.wakingtimes.com/2016/04/07…

BBC – Hard Talk about Geoengineering. https://www.youtube.com/watch?v=ceGJTCF5tyY

NASA admits chemtrails VIDEO – 10 July 2013 https://www.youtube.com/watch?v=3Z2iR…

Weather as a Force Multiplier: Owning the Weather in 2025. US AIRFORCE RESEARCH PAPER http://csat.au.af.mil/2025/volume3/vol3ch15.pdf

Al Gore Admits to Chemtrails https://www.youtube.com/watch?v=hLrOsKxHokw

http://www.youtube.com/watch?v=hLrOsKxHokw

See this website for more info on chemtrails www.geoengineeringwatch.org

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.