WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 7, 2014,(Saxafi) – Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland ee shalay ayaa la sheegay in waxyaabaha lagaga wada hadlay ay ugu muhiimsanaayeen, Qorshayaal kala duwan oo ay kala wateen wasiiro kala duwan oo mid kastaaba taageero u raadinayay qorshihiisa u gaarka ah.

Warar soo baxay xalay ayaa tilmaamay in shirkan shalay arrimaha ugu waaweyn ee diirada lagu saaray ay ka mid ahayd ammaanka iyo Saxaafaddu. Wararkaasi waxaa ay intaas ku dareen in si gaar ah loogu xussay ururka suxufiyiinta ee SOLJA iyo qodobadda la xidhiidha saameynta ama kor u kaca Qabyaaladda oo baryahan danbe si weyn loo dareemay.. In kasta oo badanaaba aan Saxaafadda loo ogolaanin in ay goob joog ka ahaato Shirarka Golaha Wasiiradda Somaliland, sidoo kalena aan laga soo saarin war murtiyeed xambaarsan wixii shirka lagaga wada hadlay, ayaa haddana dhinacyadda tibaaxahan aanu ka helay waxaa ay rumaynayeen in Xukuumadu dareen sas leh ka qaaday korodhka warbaahinta oo dhawaana Wasiirka Warfaafintu si adag uga hadlay iyo dhawaaqyadda beelaha ee qaarkood hanjabaadu ku dheehantahay.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland mudane Axmed Saleebaan Dhuxul oo aanu xalay khadka Telefoonka kulla xidhiidhnay ayaa beeniyay gabi ahaanba qodobada aanu warka ku hayay in lagu soo qaaday, waxaana uu ku dooday in aan shirku ahayn mid loogu tala galay in la warbaahinta lagu baahiyo natiijaddiisa. “Waxaa lagaga wadda hadlay waxyaabihii awalba lagaga wadda hadli jiray oo ah danta Qaranka Somaliland. Laakiin, arrintaas aad i weydiisay iyo ururka Jiidali midna laguma soo qaadin xaqiiqda hadii aad doonayso” Ayuu ku soo koobay haddalkiisa oo aanu xattaa jeclayn in warbaahinta la geliyo sidda uu u hadlayay marka la eego.

SomlegalAds

Si kastaba ha ahaatee dadka arrimaha siyaasadda faaqidda ayaa aaminsan in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhiiri-galisay Qabyaaladda markii ay burburisay nidaamkii Xisbiyadda ee ay dadku u qaybsanaayeen. “Madaxweynuhu isagaa ka masuul ah haddii Qabyaaladu kobocday, sababtoo ah Xisbiyaddii ayuu burburiyay oo xataa Kulmiye ayaan jirin immika oo raggii dawladaha yaqaanay ee tii horena joogay ayuu markiiba doontay. Markii xisbiyahannimadii shaqeyn weyday dadku waxaa ay raadinayaan jid kale. Taas ayaanan u arkaa inay keentay dhibaatadda iyo beelaysiga hadda Hanqalka la kacay.” Ayuu yidhi Falanqeeyahaasi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.