WorldRemitAds

“Culimo badan ayaa ka cawday bandhigaasi Fanaanadda, waxaanay cabashaddii keeneen wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta, waxaanay keeneen muuqaalo ansahxa ka baxsan oo fanaanadaasi ku heesaysay marka inta aanay khudbadaha jimcaha iyo masaajidadka kaga hadlin ayaanu u joojinay”Sheekh Khaliil

Hargeysa, Somaliland, August 15, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Diinta Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi ayaa sheegay in sababta loogu diiday in Fanaanadda Nasteexo Indho ku dhigto bandhig faneed ay ahayd dhaqano ka baxsan Diinta islaamka iyo dhaqanka SOomaalidda oo fanaanadaasi kaga heestay qurbaha.

Sidoo kale,waxa uu sheegay in aan bandhigaasi la soo ogaysiin wasaarada Warfaafinta iyo Dhaqanka, waxaanu wasiirku warbaahinta usoo bandhigo Muuqaalo ay fanaanaddu leedahay oo uu ku tilmaamay qaar anshaxa islaamka ka hor imanaya, waxaanu yidhi “ Waxaad maqasheen in maalin dhaweyto ay soo dagtay madaarka Hargeysa gabadh fanaanada ah oo Nasteexo Indho la yidhaahdo inanta fanaanada ahi waxa ay iclaamisay in ay qabanayso oo ay shaacisay in ay show qabanyso, shawgaas iyada oo aan cidna marin meelihii khuseeyayna marin ayaa ay bandhigtay, markii warbixinta laga daawadayna culumo Aw diinta dalka Somaliland markay arkeen wasaaraddii ayey ula yimaadeen iyagoo cabanaya oo leh waxaasa jira dhibtaas ayaa jirta, wax aan doonaynaa in aad wasaarad ahaan nala eegtaan si aanu gacanta iyagu ugu qaadin oo ayna uga hadlin ama khudbadaha jimcaha iyo meelaha masaajidadda looga hadlin waad ogtihiin aduunku maanta waa aduunyo warbaahintu awood weyn ku leeyihiin, waad ogtihiin in Internadku si xawli ah dalkeen uga shaqeeyo shar iyo khayrna leeyahay waxa ay culumadaasi wasaarada ula yimaadeen iyago ashkatoonaya Kilibyo iyo sawiro fiidyo ah oo inantaasi ka heesayso Yurub iyo dalalka qurbaha sawiradaas oo ka baxsan Anshaxa, sidaas darteed wasaaradu waxa ay go’aan ku gaadhay in bandhigaa la joojiyo oo maadama sawirada halkasi ka muuqanay iyo qaabka ay inantaasi u heesayso ee aan wafaagsanayn shareecadeena iyo diinteena iyo dhaqankeena suuban in la hakiyo oo laga joojiyo tiinna way fushay, weyna ku mahadsan yihiin ciidanka amaanku ka dib markii aan is aragnay wasaarada warfaafinta ee aan ka waayay waxa fasax ah ama wax liisan ah oo loo ogolaadat hawshaas ayaan joojinay “.

SomlegalAds

Halkan ka Daawo Warka oo Muuqaal ah

Sidoo kale waxa uu ka hadlay wasiirku dhalinyaro qaab anshaxa ka baxsan timaha u xiirta,islamarkaana dhoor weyn samaysta, waxaanu ogaysiis u diray meheradaha Timaha xiira, waxaanu yidhi “ Qofku in uu dhoor la hadhaa waa xaraan shay aan ku banaanayn diinta weeyaan waxa aan ku nidhi Rayslayaasha dhamaan qaranka ka jira in la geeyo oo lagu dhajiyo tukaamadooda wasaaradu waxa ay raacisay qoraal waano ah oo la leeyahay. kow Timaha badhna lama xiiri karo badhna lama dayn karo, isla markaana habluhu raga uma xiiri karaan, raguna hablaha uma xiiri karaan oo waa inay kala soocnadaan. Haddii ay doonayso in ay gabadhi xiirato oo ay si kale u xiirto iyadaa is og oo ay masarkeeda iyo khimaarkeeda qaadanayso, in kasta oo ayna banaanayn oo ay tahay shay aad u mukuri u ah in ay haweenku xiirtaan, xataa markay xajka tagaan waxa la yidhaahdaa timaheeda hoose ama timaha tidcan ayaa caarada hore ay in xubnaha farta in leeg ah, ayaa la yidhaahdaa gooya halka raga laga yidhaahdo wada xiira ama wada gaabiya. waxa la soo sheegaya in ay jiraan dumar rag u xiiray dumarka in loo xiiraa waa xaaraan mana wanaagsana dhamaan rayslayaasha sawirkaa waa lagu dhajiyay waxaan lagu dhajinayaa waa lagu dhajinayaa cidii u hogaasami waydana waxa laga gaadayaa liisanka “.

Si kastaba ha ahaatee,Fanaanadda Nasteexo Indho oo bandhig faneed ay habeen hore ku qaban lahayd Hargeysa, ayaa loo diiday, iyadoo amarkuna ka yimid wasaaradda Diinta iyo Aw qaafka, waxaana lagu eedeeyey inay fanaanaddu qaab ka baxsan diinta islaamka muuqaaladeedda iskaga duubto.

Maxay Nasteexo Indho Kaga Jawaabtay Go’aanka Xukuumadda Somaliland

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.