WorldRemitAds
Madaxda waddamada waaweyn gaar ahaan dalalka ku dooda in nidaamka maamul iyo isku dheeli tirnaanta dawladd-nimo ku adag tahay waddamadooda ayaa la cadeeyay, in ay ka musuq maasuq iyo burburin badan yihiin kuwa dhigooda ah ee dunida saddexaad.

Xogo sir ah oo rubuc qarnigii u danbeeyay laga ururiyay hogaamiyayaashi soo maray madaxtinimada afarta dal Maraykanka, Ingiiriska iyo Faransiiska ayaa daaha ka rogtay, musuq maasuqyo badan oo dhacay iyo sida ay ugu loofaraan hantida umada ee cashuur bixiyayaasha waddamadooda.
Warbixintan ayaa soo daabacday sawiro tiro badan oo laga qaaday madaxda dalalka reer galbeedka, kuwaas oo ku ciyaaraya hantidii umadahooda, balse si ka qurux badan ta afrikaanka iyo dunida sadexaad loo dhigayo.
Tusaale ahaan waxa qaab kasta oo Madaxda reer galbeedku wax u lunsanayaan loogu yeedhaa magacyo wanwanaagsan, sida fasax sanadeedkii Obama ama Cameron, marti qaadka boqorada iyo qorshaha Marwada dalka Maraykanka ama Britain.
Kuwo kale oo la mid ah oo dunida sadexaad ka dhacana waxa loo sawiraa dhac iyo boob ay umadahooda kula kaceen madaxda waddamada kale, sida warbixintan oo inteeda badan wargeysyada Ingiriisku soo ururiyeen sheegayso, boqorka Sucuudigu xaq uma laha inuu dalxiis u baxo ama fasax galo, laakiin boqorada Ingiriisku waxay awoodaa inay dahab qof kasta oo ay casuunto hadiyad u siiso.
Tobanaan shirkadood oo kala duwan ayay leeyihiin boqortooyooyinka waddamada reer Yurub, laakiin kuwa kale ee dunidu waa musuq maasuq wax kasta oo ay hanti haystaan, xisaab xidh ma sameeyaan oo talada ayay gacanta ku haystaan ayaa lagu eedeeya hogaamiyayaasha afrika iyo waddamada kale ee dunida sadexaad.
Laakiin taa badalkeeda ma jirto cid ogsoon hantida boqortooyada ingiriiska, lacagaha ay isticmaalaan, waxaana sanad kasta loo qorsheeyaa miisaaniyad aad u badan oo lacageed, taas oo aan xisaab xidh iyo wax ka soo noqdaa aanay jirin.
Haddaba sida ay warbixintan oo Daily Mail iyo warbaahin badani daabacday tilmaamayso, musuq maasuqu dhamaantii waa wada xaaraan, waana ficil xun oo gaf iyo eed shacabka laga galayo ah, laakiin maaha in ka xukuma Maraykanka, Ingiriis ama Jarmal uu qurux iyo xarago u ahaado, kuwa dunida kale oo dhana ceeb iyo eed ku ahaado.
Su’aasha ah maxaa qariyay musuq maasuqa madaxda reer galbeedka? Ayaa jawaabteedu tahay in sida loo adeegsado macno ahaan iyo sida dadka loogu dhigo oo kaliya ay ku xidhan tahay inaad yeelato eeda musuq maasuq iyo inaad ka badbaado.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.