WorldRemitAds

Indhuhu sida aan ka warqabno waa laxaadka koowaad ee aadamiga, caafimaadkooda iyo in la dhowraana ay lagama maarmaan tahay, sababtoo ah? La’aantood wuxuu qofku noqdaa mid laxaadkiisi ugu qaalisanaa waayay oo habeen madoobi u dumay.

Indhuhu marka laga eego dhinaca shaqada waxa ay ka mid yihiin, xubnaha ugu shaqada badan oo sida nolosha oo dhami ugu xidhan tahay, ayay shaqadooduna u badan tahay, sidaa awgeed waxa had iyo jeer ku dhaca culays wayn oo baahidooda iyo culayska saarani ku keeno.

Haddaba akhriste ma ogtahay? In ay jiraan cuntooyin faa’iido badan u leh indhaha, aragana xoojiya oo kordhiya awoodooda, kaana yarayn kara dawooyinka iyo inaad habab kale oo caafimaad indhaha u raadiso ama aragtidoodu is dhinto.

SomlegalAds

Kuwaas oo ka hor tag iyo difaac labadaba kaaga noqon kara, hoos u dhac ku yimaada shaqada indhahaaga iyo aragtidooda, waxaanan ka soo qaadan doona shan cunto oo waxtar wayn u leh indhaha, aragana xoojiya, in muddo dheer cafimaadkoodu wanaagsanaadana sabab u noqon kara, kuwaas oo ay indhuhu ka helaan, fiitamiinada iyo waxyaabaha kale ee awoodooda xoojinaya.

Waa run in badankeenu aynu aaminsanahay in Kaaroogu yahay khudaarta ugu wanaagsan ee indhaha wax u tarta, sida xeel dheerayaasha caafimaadka indhuhu sheegaan, Kaaroogu waa khudrad wax tar badan u leh indhaha, waxaana ku jira oo laga helaa maadada Beta Carotene loo yaqaano, oo ka mid ah fiitamiinada ugu wanaagsan ee indhuhu u baahan yihiin, laakiin haddana waxa jira khudrado iyo cuntooyin kale oo uga wax tar iyo faa’iido badan, oo shantan nooc ugu muhiimsan yihiin.

Waxaana kow ka ah, khudaarta caleenta leh, oo sida baadhitaanadii ugu danbeeyay cadeeyeen indhuhu ay wax badan oo ay u baahan yihiin ka helaan, tusaale ahaana wax badan u tara, bu’da iyo qaybta cad ee xaydha Somalidu u taqaano.

Shayga labaad ee ugu faa’iidada badan indhaha iyo araga ayaa ah, beedka, kaas oo sida la sheegay laga helo, Lutein iyo Zeaxanthin, labadan fiitamiin ee beedka laga helaa, waxay xoojiyaan shabakada aragtida indhaha u samaysa, waxaanay ka yareeyaan falaadhaha iyo ilayska xooga badan ee isha ku dhaca.

Looska oo midho si fudud loo quuto, ayaa ah cuntada sadexaad ee wax tarka ugu badan indhuhu ka helaan, waxaana ku jira fiitamiinka E, kaas oo isaga laftiisu ka mid ah fiitamiinka difaaca ugu badan indhuhu ka helaan, aragtidana xoojiya.

Liiska shantan cunto ee indhaha ugu wax tarka badan, waxa kaalinta afraad kaga jira, kaluunada duxda badan leh, kuwaas oo indhuhu ka helaan dareerayaasha qalaylka indhaha ka ilaaliya ee (Omega), afka qalaad loogu yeedho, waxaanu dareerahani yahay mid isha u kordhiya dareeraha qalaylkana ka ilaaliya, haddii si kale loo dhigana noqon kara masaxaada isha, waxaana kaluunada laga helo ka mid ah, Tuna-ha, Salmon-ka, Sardines-ka iyo kaluunada saliidu ku badan tahay.

Khudaarta dareeruhu ku badan yahay, sida Liinta, Banbeelmada, Strawberry iyo khudradaha la bahda ah, ayaa noqonaya kuwa shanaad ee cuntooyinka ugu wanaagsan indhaha, waxaana dhamaan noocyadan khudrada ah, ku jira Fitaamin ‘G iyo C’ oo ah fiitamiinada maqaarka iyo qaybaha ugu badan ee isha difaaceeda xoojiya, halista dibada kaga iman kartana ka ilaaliya.

Shantan cunto ee aynu soo sheegnay ayaa sida khubarada caafimaadka indhuhu cadeeyeen isticmaalkooda oo lagu dedaalaa, indhaha awoodooda xoojiyaan una noqon karaan difaaca ugu wanaagsan ee aad kaga raysan karto in aragaagu hoos u dhaco ama aad u baahato dawooyinka xanuunada indhaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.