WorldRemitAds

Baydhabo, Somalia, June 4, 2018, (Saxafi) – Magaalada Baydhabo waxaa ku hooyday xalay dhamaan madaxda gobolada is diidan ee Soomaalida oo isugu jira kuwa maamulada iyo kuwa dawladda Federaalka ah.

Madaxweynaha dawladda itaalka daran ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa wuxuu yahay magac ahaan ka ugu sareeya ee qeybta ka ah madaxda halkaas ku sugan iyadoo sidoo kale uu ku jiro wufuuda halkaasi gaadhay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

SomlegalAds

Hogaamiyaasha maamulada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa iyaguna xaadir ku ah Baydhabo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow] ayaa markii ugu horeysay gaadhey Baydhabo tan iyo markii xilkaas loo magacaabay horaantii sanadkan.

Dhamaan madaxda ayaa waxay ku hoydeen Aqalka Madaxtooyadda ee Koonfur Galbeed, iyagoo yeeshay Kulamo gooni-gooni ah kuwaasoo hordhac u ah Shirka la xidhiidha sida hadalka loo dhigay amaanka Somalia oo lagu wado inuu halkaas ka dhaco.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu yahay mid si wayn loo adkeeyay, waxaana la xayirin oo aan xataa ka jirin wax dhaqdhaqaaq ah meelaha ku dhaw goobta uu ka furmayo shirka la sheegay in amniga lagaga hadlayo ee ka socda magaalada aan amaanka ahayn.

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa ka sokow amniga sidda guud loo shaaciyay lana filayo in lagu soo qaado dagaalka maamullada Somalia u dhexeeya Al-Shabaab iyo Dagaalka Somaliland iyo Somalia ee Tukaraq, waxaa kale oo la wariyay in diiradda lagu saarayo Qeybsiga Kheyraadka dalkaas oo aanay heshiis ku ahayn, iyo sidoo kale Khilaafka madaxda maamulada qaar ka dhaxeeya kuwa Dalwada Federaalka, midka madaxda Galmudug iyo kuwa kale.

Shirkan ayaa waxaa la rajeynayaa inuu qaato maalmo iyadoona sida uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed qorshuhu yahay in lagu soo gaba gabeeyo Labo cisho. Cabdiweli Gaas oo isagu wakiil uga ah dagaalka ay ka waddo Xuduudka Somaliland ay la waddaagto ayaa la filayaa in isagu uu dalbaddo taageero ciiddan wallow aanay awood ahaan dhaamin oo ay cabsi darteed Baydhabo lafteedda bandoo ugu soo rogeen.

Gaba gabadda waxaa la rajeynayaa in laga soo saaro war-murtiyeed kaas oo ay isku raac-san yihiin dhamaan dhinacyadii shirka ka qeyb-gashay haddii ay dhacdo.

Si kastaba ha ahaatee, Dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay ka bixinayaa kulankan aragtiyo kala duwan – Qaar ayaa sheegaya in aanay wax natiijo ahi ka soo bixi doonin, halka kuwa kale ay qabaan in ugu yaraan wax wanagasan la filan karro.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.