WorldRemitAds

Dalka Ruushku waa waddanka ugu bedka wayn dunida, waana kan labaad ee ugu quwada wayn dhinaca milatariga iyo tignoolajiyada, sidoo kale waa waddanka gaasta ugu badan ee dunidu ku jirto, dalkan oo ay ku taalo xaruntii midowgii soofiyeeti ee burburay, waa ka ugu wayn ee dhaxlay Soofiyeetkii burburay.

Caasimaddiisu waa magaalada Moscow, waxaana ku dhaqan boqol iyo lixdan milyan oo qof, kuwaas oo toban milayn oo ka mid ahi ay ku dhaqan yihiin, magaalada caasimadda u ah ee Moscow.

Dalka Ruushka waxa ku dhaqan muslimiin lagu qiyaaso tiradooda ilaa afartan milyan oo qofk, taas oo tiradda guud ee dadka Ruushka ka noqonaysa boqolkiiba shan iyo labaatan ama in afartii qofba qof muslim yahay.

SomlegalAds

Waxay degaan oo ay leeyihiin Jamhuuriyada waaweyn oo qaarkood ku teedsan yihiin caasimadda dalkaas ee Moscow iyo meelaha ugu istiraatijiyada wanaagsan dalkaas, waxa kale oo ay muslimiinta Ruushku degaan caasimadda dalkaas ee Moscow oo afar milyan oo ka mid ahi ay ku nool yihiin.

Taariikh ahaan waa dad asalkoodu ka soo jeedo degaanada Qowqaaska loo yaqaan, oo ka soo bilaabma waddanka Khastakistan ilaa buuraleyda Uuraal ee ugu caansan dalkaas, waxaanay degaan oo ay ku dhaqan yihiin, jamhuuriyado tiro badan oo Shiishaan iyo Nogoshiya ugu caansan yihiin.

Muslimiinta Ruushku waxay leeyihiin, magaalada sadexaad ee ugu wayn dalkaas, warshedaha ugu badanina ay ku yaalaan oo ah, Magaalada Qazan taas oo shan boqol oo may loo kaliya u jirta caasimadda Ruushka ee Moscow.

Sanadkan dhamaanaya ee 2017-ka waxa dalka Ruushka si rasmi ah loogu furay, Telefishan Islaami ah, kaas oo noqday kii ugu horeeyay noociisa ah ee dalkaasi si rasmi ah looga diiwaan geliyo, xukuumada dalkaasina si buuxda u taageerto.

Sida wakaaladaha wararka dunidku ka soo xigteen muftiga guud ee muslimiinta dalka Ruushka, Roshan Cabbaasov, waxa uu telefishankani noqon doona, mid si dhabb ah uga turjumi doona, diinta iyo dhaqanka suuban ee shucuubta Muslimiinta dalkaas ku dhaqan, gaar ahaan qoomiyada Qooqaaska loo yaqaano ee dalka Ruushka.

Dedaal balaadhan oo xafiiska Muftiga Muslimiinta Ruushku sameeyay, ayaa suur gal ka dhigtay in telefishanada waaweyn ee dalka Ruushku ay ogolaadaan, inay iskaashi la samayn doonaan telefishankan cusub ee islaamiga ah.

Waxaana sida xafiiska Muftigu sheegay, uu telefishankan Islaamiga ah ee Raashiya noqon doona, mid iskaashi xukuumada iyo masuuliyiinta guud ee Ruushka ku shaqayn doona, oo si toos ay maamulkiisu u hoos iman doono.

Telefishankan oo lagu bilaabi doona luuqada Ruushka ayaa lagu wadaa in mustaqbalka dhow uu yeelan doono, laamo kale oo afafka Ingiriiska iyo Carabiga ku bixi doona, waxaanu noqon doona telefishankii Islaamiga ahaa ee ugu horeeyay ee Muslimiinta Ruushku yeeshaan.

Inkastoo ay jiraan boqolaal hilin oo afafka dadka kala duwan ee Muslimiinta Ruushka ku baxa, haddana intooda badani kama hadlaan diinta, oo kaliya waxa jira telefishanada maxaliga ah oo qudha oo baahiya, wacdiyada diiniga ah, hasa yeeshee waxa uu telefishankan cusubi noqon doonaa mid caalami ah oo baahiya diinta Islaamka oo kaliya.

Dalka Ruushka waxa ku nool boqol iyo lixdan milyan oo qof, kuwaas oo rubuc ka mid ahi muslimiin yihiin, waxaanu dalka Ruushku yahay waddanka, Muslimiinta ugu badani ku nooshahay shanta waddan ee ugu quwada wayn dunida iyo guud ahaan sideeda waddan ee ugu horeeya warshadaha dunida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.