WorldRemitAds

Shaqooyinkan dunidu isla garatay inay yihiin, kuwa ugu halista badani, waxa ay ka siman yihiin, dhinac werwerka, fikirka badan ee sida xooga ah qofku maskaxda uga shaqaysiiyo, oo ay u dheer tahay dadka ka shaqeeya, soo jeed badan oo hurdada habeenkii ka maanacda iyo duruufo qal qalafsan oo sida loogu shaqayn karaa adag tahay.

Sirdoonka Iyo Daba Galka

Aynu u soo noqono shaqada sirdoonka iyo basaasida oo ka mid ah kuwa ugu halista badan, waxa ay shaqadani u baahan tahay, in qofku xaalad kasta oo nololeed ku shaqayn karo, si uu uga gun gaadho xuuraanka iyo daba galka uu wado, waxaanu ku seega, wakhtiyada cuntada ee caadiyan aadamigu cunteeyo, xiliyada hurdada habeenimo ee ugu wanaagsan caafimaad ahaan, waxaanu mar walba ku jiraa, fikir iyo walbahaar, waana shaqo talaabo kasta oo aad qaada, guul iyo fadeexad labadaba kuu horseedi karaan, waanay adag tahay sida guusheedu ay joogtada u noqon kartaa.

SomlegalAds

Sida warbixintani sheegtay, qofka ka shaqeeya hawlaha sirdoonku, hawl gal kasta oo uu sameeya, waa mid baadhitaan dheer oo soo jeed, feker iyo warwer badan ka dib dhacaysa, taas oo ilbidhiqsiyo gudahood, fadeexad qaran iyo mid shaqsi ama guul aan lagu ogayn natiijadeedu noqonayso.

Shaqaalaha Gurmadka Degdeg Ah

Dadka ka hawl gala shaqooyinkan ayaa noqday kuwa ugu halista sareeya uguna dhimashada badan, guud ahaan hawlaha aadamigu qabto, waxaana sida warbixin jaamacadaha ugu sareeya dunidu ay ka diyaariyeen tilmaamaysa, in sadexdan shaqo ee isku bahda ah, marka loo eego duruufaha dadka ka shaqeeyaa, ka hawl galaan iyo xiliyada qalafsan ee ay qabtaan ay noqonayaan kuwa ugu horeeya dhimashada iyo halista.

Shaqaalaha Shaybaadhada Warshadaha Alaabta Kimikalka Ah Sameeya

Shaqaalaha ka hawl gala, shaybaadhada warshadaha waaweyn ee qalabka kimikalka ah sameeya ee dunida ayaa safka hore kaga jira, dadka shaqooyinka ugu halista iyo dhimashada badan ka shaqeeya, waxaanay hawl wadeenadani dadka kale dheer yihiin, halista walxaha iyo curiyayaasha kimikalka ah ee ay isku badhxayaan ka soo gaadhaya.

Sida baadhitaano wakhti dheer qaatay oo laga diyaarshay shaqaalaha shaybaadhada warshadaha kimikalka sameeya, tilmaameen, suntan maadooyinka kimikalka ah ayaa baadhistoodu sababtaa halis caafimaad, waxaanay dadka ka hawl galaa ka qaadaan xanuuno dawayntoodu adag tahay, oo wali aanu aadamigu helin dawooyin lagula tacaalo.

Warbixintii caafimaad ee ugu danbaysay ee laga diyaariyay shaqaalaha xarumaha shaybaadhada warshadaha suntan kimikalka ah ka hawl gala, ayaa muujinaya halista ku gadaaman ee ay dadkaasi la nool yihiin, taas oo ugu danbaynta gayaysiisa nolol xumo caafimaad iyo dhimasho degdeg ah, sida warbixintan caafimaad oo jaamacado badani wada diyaariyeen sheegtay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.