WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 7, 2018 (Saxafi) – ALLE ha u naxariistee Waxa shalay galab ku geeriyooday magaalada Hargeysa Marxuum- Maxamed Miyir Xaaji oo ka mid ahaa Miyuusishannada caanka ah ee Somaliland iyo kooxda Xidigaha Geeska, oo muddo laba maalmood ah u jiifay xannuun ku soo booday.

Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdi Maxamed Jaamac, ayaa u sheegay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, in Marxuum- Maxamed Miyir Xaaji uu tumi jiray dhawr qalab oo ka mid ah Miyuusiga, sida Kamanka, Giitaarka iyo Fiyoliinta.

SomlegalAds

Agaasime Cabdi Maxamed Jaamac waxa uu xaqiijiyey in Marxuum-Maxamed Miyir uu ahaa nin dhallinyaro ah oo hawlkar ku ah shaqadiisa isla markaana dedaal badan, waxaanu tilmaamay inuu ku soo biiray Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda sannadkii 2000.

Cabdi Maxamed Jaamac wuxuu iftiimiyey in Marxuum Maxamed Miyir ahaa Mulaxan ku wanaagsan codaynta heesaha.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo fannaaniinta Somaliland ee uu ka baxay marxuum-Maxamed Miyir Xaaji, waxaanu Marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo bahda fanka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum-Maxamed Miyir Xaaji waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1974kii, waxaanu waxbarashadiisii Hoose/Dhexe ku soo qaatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu ku koray, kuna barbaaray isla markaana kaga biiray fanka.

Marxuumku wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo siddeed carruur ah oo iskugu jira Saddex Hablood iyo Shan Wiil. Marxuumka

[su_youtube_advanced url=”https://youtu.be/ECsHYOHebtE” showinfo=”no”]

Marxuum Maxamed Miyir Xaaji waxa maanta loogu sameeyay Aas-Qaran magaalada Hargeysa, gaar ahaan Beer qoyskooda ku leeyahay Xeedho oo ah waqooyiga Hargeysa, kaas oo aanay u kala hadhin bahda Fanka iyo Suuggaanta Somaliland iyo dadweynaha Hargeysa.

Bahda Wargeyska Saxafi waxay tacsi u diraysaa Qoyskii uu ka baxay Marxuumku iyo dhamaan bahda Fanka iyo Suuggaanta Somaliland, waxaanay Marxuumka illaahay uga baryaysaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, isla markaana qoyskii iyo eheladii uu ka tegay iyo dhammaanteenba samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.