WorldRemitAds

Ciyaarahanka baalka ka ciyaara ee reer Masar Maxamed Saalax ayaa ciyaartii ay shalay kooxdiisu kula kulantay Bournemouth ku noqday xidigii ugu horeeyay ee ugu gool-dhalinta sareeya shanta tartan ee ugu waaweyn Qaaradda Yurub, taas oo indhaha jamaahiirta kubadda cagta ku soo jeedisay.

Maxamed Saalax ayaan u muuqan nin socodkiisu gaabinayo, waxaanu Lionel Messi ku dhaafay heerka 30-gool oo xilli-ciyaareedka 2017-18 dhaliyay, isagoo dhinaca kalena ku sii jebiyay rikoodhkii Cristiano Ronaldo qorshihii mucjisada ah.

SomlegalAds

 Xidigan Liverpool u ciyaara ayaa ciyaartii shalay mar kale shabaqa soo taabtay kadib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Bournemouth, taas oo ay kooxda Reds ku jiidheen 3-0 garoonka Anfield.

Goolkan ayaa ahaa kii soddonaad ee uu Maxamed Saalax ka dhaliyio ciyaaraha Premier League xilliciyaareedkan, kaas oo sii dheerayay faraqa goolasha ee uu kaga hormaray Harry Kane oo ay ku tartamayaan Kabaha dahabka ah ee Premier League, isagoo hadda shan gool ka horeeya.

Sidoo kale ciyaartoygan Masriga ahi wuxuu noqday Ciyaartoygii ugu horeeyay ee shanta horyaal ee ugu waaweyn kubadda cagta Yurub dhaliya 30-gool xilli-ciyaareedkan. Halka Messi oo leh 29-gool uu lumiyay fursadii uu rikoodhkaas ku gaadhi lahaa ciyaartii kooxdiisu shalay kaga adkaatay 2-1 kooxda Valencia.

Maxamed Saalax Liverpool
Xidiga reer Masar ee khadka dhexe uga ciyaara Liverpool Maxamed Saalax oo u dabaaldegaya goolkii labaad markii uu u dhaliyay kooxdiisa ciyaartii tartanka Premier League ay iskaga horyimaadeen Liverpool iyo Bournemouth garoonka Anfield ee Liverpool, oo dhacda Waqooyiga-galbeed ee England bisha April 14, 2018. / AFP PHOTO / Lindsey PARNABY

Goolkiisan soddonaad ayaa Maxamed Saalax waxa uu u ahaa mid taariikhi ah oo uu rikoodh cusub ku sameeyay, waxaanu ka dhigay inuu Maxamed Saalax noqdo ciyaartoygii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee tirada intaas le’eg ee goolal ah ka dhaliya Premier League. Xidigii hore ee kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa isagoo hore u dhigay rikoodh sare oo ahaa 29-gool.

Maxamed Saalax ayaa sidoo kale hal gool oo keliyi uga hadhsan yahay rikoodh saddex ciyaartoy ay wadaagaan oo ah 31-gool oo ay ka dhaliyeen xilli-ciyaareed keliya tartanka Premier League xilligii uu aha 38-ciyaarood, kuwaas oo ah Ronaldo, Alan Shearer iyo xidigii hore ee Liverpool Luis Suarez oo wada sita 31-kaas gool.

Xataa waxa kale oo uu Maxamed Saalax hadda la wareegay rikoodhka ah in tirada ugu badan ciyaareed uu min hal gool dhaliyay, isagoo 22 ciyaarood mid hal gool dhaliyay, rikoodhkaas oo ay keliya la wadaagaan Ronaldo iyo Robin van Persie.

Marka laysku wada daro tartamada oo dhan waxa uu Maxamed Saalax ilaa hadda xili-ciyaareedkan dhaliyay 40-gool, taas oo sidoo kale ka dhigaysa ciyaartoygii saddexaad ee Liverpool ah ee rikoodhkaas gaadha marka laga reebo Ain Rush oo isagu laba jeer rikoodhkaas sameeyay iyo Roger Hunt.

Waxa kale oo uu Maxamed Saalax weerar ku yahay inuu jebiyo rikoodhka keliya ee abid uu dhigay Ian Rush ee kooxda Liverpool, isagoo toddoba gool oo keliya ay uga hadhsan tahay inuu jebiyo rikoodhkaas Ian Rush oo ah 47-gool oo uu dhaliyay xilli-ciyaareedkii 1983-84, waxaanu ugu yaraan Maxamed Saalax haystaa lix ciyaarood oo uu hadhsan, kuwaas oo afar ka mid ahi yihiin tartanka Premier League, halka labada kale ay yihiin labada ciyaarood ee ay horyaalka Yurub isku arki doonaan AC Roma, isagoo weliba heli doona Maxamed Saalax inuu ciyaaro ciyaarta kama dambaysta ah ee Kiev ee Tartanka Horyaalka Yurub haddii ay Liverpool ciyaarta kama dambaysta ah u soo baxdo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.