WorldRemitAds

Xidiga reer Masar, una ciyaara kooxda kubadda cagta ee Ingiriiska ee Liverpool Maxamed Salaax ayaa shalay Isniintii ku guulaystay Ciyaartoygii ugu fiicnaa xilli-ciyaareedka 2017/18 ee kooxaha horyaalka Ingiriiska “PFA Fans’ Player of the Year”, kaas oo ay u coddeeyaan jamaahiirta taageerta kubadda cagta adduunka.

Maxamed Salaax ayaa helay codkii ay jamaahiirtu bixiyeen 89% (boqolkiiba sagaal iyo siddeetan) taas oo uu kaga horumaray ciyaartoydii kale ee la tartamayay, waxaanu abaalmarintan ku darsaday abaalmarino farabadan oo uu ku guulaystay xilli-ciyaareedkii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray kooxda Reds, isagoo hore loogu cimaamaday ciyaartoygii ugu fiicnaa sannadkan horyaalka kooxaha Ingiriiska, xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska iyo weliba abaalmarintii qoreyaasha ciyaaraha.

SomlegalAds

https://twitter.com/LFC/status/998504403706540032

Abaalmarintan ayuu Maxamed Salaax kula tartamayeen ciyaartoyda kala ah goolhaye David de Gea (Manchester United), Kevin de Bruyne (Manchester City), Eden Hazard (Chelsea), Harry Kane (Tottenham Hotspur) iyo Raheem Sterling (Manchester City).

Maxamed Salaax ayaa dhigay rikoodh cusub oo Horyaalka Ingiriiska ah kaas oo uu ku dhigay 32 gool oo uu ku qaaday gool-dhallinta Premier League, kadib markii uu jebiyay rikoodhkii hore ee ay dhigeen Allan Shearer, Cristiano Ronaldo iyo Luis Suarez, waxaanu sidaas ku noqday gool-dhaliyihii ugu goolasha badnaa taariikhda xilli-ciyaareed keliya oo ka kooban 38 kulan, iyadoo guud ahaan marka laysku daro goolasha uu kooxda Reds u dhaliyay xilli-ciyaareedkiisan ugu horeeyay ay dhan yihiin 44 gool.

Sidoo kale Maxamed Salaax ayaa hore u qaaday afar jeer ciyaartoyga ugu fiican bisha “Player of Month”.

  

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.