WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland February 29, 2016 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay aragtidiiisa ku aadan gudidii uu dhowaan Madaxweyne Axmed Siillaanyo u magacaabay Ictiraaf Raadinta Somaliland, waxaanu sheegay inay tahay guddi lala soo habsaamay.

Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale ka hadlay dhaqaalaha Somaliland soo gala oo uu sheegay inay dalka anfici lahayd  isla markaana kaga bixi lahayd saboolnimada haddii si fiican loogu fekero.  
“Loomaba baahna, waxaanan odhan karaa waa madadaalo iyo wakhti lumaya uun, guddi 17 qof ka kooban sidaas layskugu keenaaba way adag tahay oo midba meel joogo, kolkaa wax caqli ku dhisan maaha mabda’a loo raadinayo ictiraaf raadintana meel khaldan ayay ka raadinayaan” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Dhanka kale, waxa uu siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi ka hadlay tirada wasiirada xukuumada Somaliland , isagoo ku tilmaamay in aanay khaasare mooyaane wax kale soo kordhinayn, isagoo siyaasi Maxamed Xaashi ka hadlaya arrimahaas, waxa uu yidhi “Dawlada hada jirta ee ay ku jiraan 57 wasiir iyo wasiiru dawlayaal iyo agaasimayaal waa khasaare uun oo wax faa’iido ah ma leh wax caqliga gallana maaha, lacagta ay qaadanayaan mid kastaaba ee faraha badan ee halkaa galaysa,  waxay ahayd inta wasiirrada la dhimo in dalka iyo dadka wax loogu qabto, raggan 17 qof ka kooban ee gudida loo saarayna waxba ma soo kordhinayaan ee waa khasaare kalle uun iyo kharash la burburinayo, markaa waxay ahayd xukuumadu inay sidaas uga naxariis bataan oo ay dalka horumarkiisa ka shaqeeyaan.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.