WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, July 28, 2018 (Saxafi) – Dad badan ayaa isweydiinaya Maxay Ahayd ujeeddada safarka Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wefti uu horkacayo ee lagu wadaa inay maanta booqasho ku taggo magaalada Asmara ee dalka Eritrea

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo xog arrintan ku saabsan la wadaagay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynuhu hogaamin doono wafdi ballaadhan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay taariikhda maanta booqasho rasmi ku tagi doona magaalada Asmara. ‘’Booqashadan waxaa ay ku saleysan tahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo rabta oo ay dowladdu-na muddo dheer-ba ka shaqeyneysa in Soomaaliya ay dib u soo ceshato maqaam-kii ay ku laheyd Geeska Africa iyo guud ahaanba gobolka’’ ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

SomlegalAds

Safarka madaxweynaha ayaa yimid xili heshiis laga gaadhay colaadii ka badan 20 sano ka dhax jirtay dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea, kaddib markii uu tallada dalka Itoobiya la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo la yimid markiiba siyaasad fur furan oo dib-u-heshiisiineed.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisu ay maanta ku tagayaan magaalada Asmara ayaa noqon doota tii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dalka Eritrea oo ka go’ay dalka Itoobiya sanadkii 1993kii.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.