WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 14, 2015 (Saxafi) – Bil iyo dhowr iyo toban maalmood ayaa ka soo wareegtay markii la qabtay shirkii Kulmiye ee xisbigaasi ku kala cadhooday, ilaa haddana raggii la baxay is bahaysigu waxaa su’aali ka taagan tahay halka ay ku danbeyn doonaan maadaama ay qaadaceen shirkaasi. Islamarkaana aanay weli xisbi kale ku biirin.

In kasta oo su’aashaasi jirto, dad badanina aamineen in Xisbigaasi kala dhaqaaqay haddana masuuliyiintani waxaa ay weli ku doodayaan in aanay ka rajo dhigin in tabashadooda laga garaabo.
Haa, Shalay oo u danbeysay Hadhimo Sharafeed u muuqatay dhoola-tus ayay ku qabsadeen Huteelka Hadhwanaag Restaurant ee Magaalada Hargeysa.
Isbahaysigii KULMIYE-Qado-sharafCasuumadan-qado sharafta ah oo lagu Casuumay 200-qof in ka baddan, ayaa waxa ka soo qeybgalay in badan oo ka mid ah Is-bahaysigii Xisbiga KULMIYE ay ka mid yihiin murashixii Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif,Wasiirkii hore ee Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirkii hore arrimaha Qoyska iyo Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir, Guddoomiye Kuxigeenka 3aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Maxamed Taryanle iyo Salaadiin door ah.
Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo isagu casuumadan fidiyay oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Nimankan Is-bahaysiga ah waxa deeqaa waxa weeyaan waa wax wanaagsan, daacada, cadaalada, waxa deeqa oo ay ku fadhiisanayaan waxa weeyaan waa cadaalad iyo dimuqraadiyad niman inay wax xumeeyaan doonaya maaha, niman inay wax dulmiyaan doonaya maaha, waa niman ay ka dhab tahay inay dalkan hagaajiyaan,waxaanay rumeysan yihiin inay dalkan taladiisa hagaajiyaan.Dalal baddan oo inaga danbeeyey markii aynu xorriyada qaadanay ayaa maanta innaga wanaagsan, Somaliland waxay maanta ku jirtaa 10-ka dal ee ugu hooseeya, waxaynu u baahanay inay talada waddanka hagaajino, dalal inaga khayraad yar ayaa inaga horeeya, dalkani waxa uu u baahan yahay inaynu hagaajinsano,dad baddan ayaa ka gaajeysan khayraadka uu dalkeena Somaliland uu leeyahay oo weli maynaan odhanin haakah,wixii aynu yeelayno waynu ka arrinsanaynaa oo waynu ka tashanaynaa”.Ayuu yidhi Kijaandhe.
Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo halkaasi ka hadlay ayaa  waxa uu yidhi “Waxaanu isla garanay inuu Shirkaasi yahay xaaran wixii ka soo baxayna waa xaaran, ilaa maanta halkaas ayay taagan tahay, garabkani sida uu magaciisu tilmaamayo waa garab KULMIYE ah, waxa ka soo wareegtay bil iyo saddex iyo tobban cisho, weli waxa uu garabkani daneynayaa sidii uu KULMIYE u ahaan lahaa KULMIYE bal dib loo eegi karo, waxa muuqata inaan dhinaca kale ilaa maanta Asalaamu Caleykum laga haynin, waar maxaad goosateen? Maxaad aragteen? Maxaad diideen? Dad ka maarmay dad Xisbiga la lahaa oo weliba tiradii badnayd ee Xisbiga KULMIYE ka maarmay, markaa deegaanadii aanu u metelaynay Xisbiga KULMIYE ee aan taageeradooda ku joognay waxaanu u muujinaynaa inay xaaladu halkaasi mareyso, Xisbigii KULMIYE sida uu yahay inaan ilaa maanta talo laynaga weydiineyn, markay sidaas tahay waxa weeyaan waa la isku filnaaday, bal inta isku filnaatay halkay la gaadho ayaynu eegaynaa. Mar-walba waad dhageysataan Khudbadahooda oo waxa ku filan inta xeyndaabkiisa yar ee u sokeysa, inta u abtiga ah sida uu u gaadhsanayo waad ka war-haysaan, nin Madaxweyne u socda gees ilaa gees oo geedkii damalka ahaa ee la hadhsan lahaa isu muujinaya inaanu ahayn hadaladiisa ayaad ka aragtaan,”.Ayuu yidhi
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Taryanle, ahna guddoomiye Kuxigeenka 3aad ee Xisbiga KULMIYE oo ina halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Waxa madashan isugu yimi is-bahaysigii dimuqraadiga Xisbiga KULMIYE, waxaanu nahay Xisbiga KULMIYE, haddii uu Xisbigu cadaaladii ka tagay waanu ku soo celinaynaa, waxa noqotay wax la layaabo inuu nin kubaddii iska Ciyaarayo siidhigii isku tumayo, midnimo iyo sidii uu Xisbigu isugu duubna Saylac ilaa Laasqorey u mideysnaa in la baadi doono ayaa haboon, in Xisbiga dhulka la jiido maaha, Xisbiga in Hargeysa ilaa HALAYA ay ku filnaato maaha,Xisbiga Cadaalada ha lagu soo dabaalo oo midnimada ha laga shaqeeyo”
Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Reerkii Samaroon ee aad ogeydeen inay isku tiirsan yihiin, maanta haddii lala dhex qaado mikirifoonka waa la kala fogeeyey,jabhad ayaa laga dhex abuurey Somaliland ayaa laga horkeenay, raga halkaas gaadhsiiyay haday hadana toddoba sanadood kabacdi halkaa yimaadaan, reerka waa laga waayi doona khariirada Somaliland.Annagu Xisbiga KULMIYE ayaanu nahay waxaanu u ordeynaa bad-baado ee maaha Kursi, Kursi hore ayaanu ugu fadhinay waxaanan uga tagnay cadaalad darrada iyo dimuqraadiyada qaloocatay”
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ka mida Salaadiinta Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Maanta Somaliland waxay u baahan tahay badbaado, Anigu waanigii maalin dhaweyd erey idhi oo ereygaygii waa la bedelay, oo waxa bedeshay Xukuumadda, Anigu raggii Xamar tagi jirey maan ahayn, imikana uma socdo, haddii ay xukuumaddu faraha dhigi-weydo waxbaan sheegayaa”
Siyaasi Maxamed Cali Madoobe, Suldaan Mawliid Cali Sabeeyse, Siyaasi Rashiid Jaamac Dheri, iyo oo dhamaantood halkaasi ka hadlay ayaa waxa si kuluul u naqdiyeen Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana waxay ka hadleen xaalada Siyaadeed ee wakhtigan dalku marayo,waxaanay si isku mida u direen hab-dhaqanka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la soo baxday.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.