WorldRemitAds

Labadii hablood ee uu dhalay madaxweynihii hore ee Maraykanka George W. Bush ayaa talo waayo aragnimo, oo ku socota hablaha gashaantimaha ah ee Ilma Obama u soo diray, todobaad ka hor intaanu aabahood Barack Obama Xilka Wareejin ee aanu Aqalka Cad ka tagin.

Labadii Gabdhood ee Mataanaha Ilma Bush, Jenna Iyo Barbara Oo wakhtigan da’doodu tahay shan iyo sodon jiro, ayaa wargeyska Time Magazine, ku soo daabacay talo ay labada hablood ee Obama dhalay, Sasha iyo Malia Obama ku aadan, taas oo ay si gaar ah diirada ugu saareen, marka ay aqalka cad ka guuraan ee ay dibada u soo baxaan, si rasmi ahna shacabka Maraykan ugu biiraan, iyo waxa sugaya ee inay ka taxadaraan uga baahan.

Warqadan talo bixinta ah ee ku socota gashaantimaha Ilma Obama ayay mataanaha Ilma George W. Bush, ku bilaabeen, sideed sanadood ka hor, wakhti baraf badani dhacayo, cimiladuna aad u qaboobayd ayaynu wada qaadanay, kulankii ugu danbeeyay, uguna muhiimsanaa nolosheena, kaas oo xaalado kala duwan idinka iyo anagu aanu ku kala sugnayn.

SomlegalAds

Waxaad ahaydeen xiligaas hablo aad da’doodu u yar tahay oo nolosha oo dhami u cusub tahay, wax badana aan ka dhaadayn waayaha ku gadaaman ee ay la deriska noqdeen, oo dhalaan nimo ayaa idinka awood badnayd.

Laakiin imika waxa aad ka tagaysaan aqalka cad wakhti aad gashaantimo iyo dad wax garan kara oo koray aad noqoteen, sidaa awgeed waa lagama maarmaan inaanu talo waayo aragnimo iyo inta aanu idin dheer nahay ah aanu halkan idiinku soo gudbino.

Taas oo ku soo ururaysa, noloshii wacnayd iyo wakhtigii fiicnaa ee aad sideeda sanadood ku indho baraqsateen, inuu dhamaaday, oo waayo adag iyo cidiidhi badani idin sugayo, sababtoo ah? Waxaad soo qaadateen xiliyo wacan, waxaad la kulanteed dad badan, waxaad hesheen wax badan iyo jawi wada wacan.

Waxase imika idiin bilaabmi doono, cidhiidhi badan, cidlo badan iyo duruufo aydaan hore u arag oo idinku wada cusboonaan doona, waxa idinka tagi doona dad badan oo madadaalo iyo farxad badan idiin abuuri jiray, aadna aad u jeclaydeen, waxa aad kala gu’I doontaan asxaabtii iyo dadka wada qiimaha badnaa ee awooda badan lahaa iyo kuwii dhaqaalaha badan lahaa ee hadyadaha iyo waxyaabaha wada wanaagsan idiin keeni jiray.

Labadiina waalid iyo waxbarashadiina oo qudha ayaa noqon doona rafiiqiina kaliya ee idinku soo hadha, mana dhicin doonto in la idiin kool kooliyo oo wakhtigaa wacani idiin soo noqdo, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah inaad guntiga dhiisha isaga dhigtaan oo aad dhamaysataan jaamacadaha meel wacana ka gaadhaan, waxbarashada taas oo sida aan filayno noqon doonta fursada aad mar kale mustaqbalkiina ku dhisi kartaan.

Labada hablood ee George W. Bush Dhalay ayaa hablaha Ilma Obama uga waramay in iyagu ay ka da’ waynaayeen markii aabahood xilka ka tagayay oo ay ahayeen kuwo jaamacadaha iyo waxbarashada dhamaystay, halka labada hablood ee ilma Obama midna sanadka soo socda ka galayso jaamacada mida kalana wali dugsiga sare kaga jirto.

Waxaanay talada ugu dareen inay cidhiidhiga iyo jawiga adag la qabsadaan una dhabar adaygaan, xiligii wacnaa ee soo marayna kaliya ka dhigtaan mid taariikhda ugu jira, balse aanu ka noqon mid xusuustiisu hadhayso oo ka mashquuliya nolosha cusub iyo la qabsigeeda, ka dibna ay nadaamo iyo murugo ku nolaadaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.