WorldRemitAds

Tan iyo markii ay Somaliland ka dhaceen doorashooyinkii 2017-kii isla markaana Madaxweyne Muuse Biixi la wareegay madaxtooyada Reer Somaliland xukuumaddii ay doorteen ee Xisbiga Kulmiye kamay maqal war farxad geliya oo khuseeya dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo horumarkaba, sababtoo ah xukuumad kasta oo Somaliland soo martayba waxay la kawsanaysay duruufo kalle oo xukuumadahaasi u fasaxayey inay hore uga sii socdaan halkii ay kula wareegtay xukunka dalka.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee aan weli sannad dhammaysan ayaa xukunka la wareegtay iyadoo ay jiraan colaado siyaasadeed oo ka dhashay kaambaynkii ay xilka kula wareegtay, dalka oo khatar ugu jira in lala wareego gobolada Bari, dhaqaalaha oo liita iyo sicir barar naafeeyey shacbiga iyo dagaalo qabaa’il oo weli loo maaro la’yahay xal u helistooda, waxana taa weheliya tayo xumada xukuumadda iyo golaha wasiiradda haatan, loona baahnaa inuu dalkan iyo dadkanba loo soo xullo raggii ama haweenkii aqoon iyo waayo aragnimo ku hogaamin lahaa.

SomlegalAds

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo tallaabo ka qaadi la’ mucaarad kala duwan oo qaarkood lugta ku hayaan dagaalada Bariga dalka ka socda ayaan ciddii ka waabin lahayd ku soo darsan xukuumadda Kulmiye, waxana taa weheliya Dagaalka Somaliland kaga socda dhinaca Soomaaliya iyo dawladda Farmaajo oo ka xoog badan dagaaladii kaga socday xukuumadihii hore ee Soomaaliya .

Markaan dib ugu laabanno haykalka ama qaabdhismeedka xukuumad-da Muuse Biixi ayaa dad badani sheegaan inay tahay xukuumad liidata oo aanay xubnaheedu saamayn ku lahayn bulshadii ay ku metelyeen kuraasta ay fadhiyaan, waxaanay inta badan Shaqadoodu muuqataa tiro yar oo ka mid ah Golahaasi oo aan qurbajoog ahayn mar walbana ka hadla xaaladda dalka iyo dawladnimada Somaliland. Wasiirada fara ku tiriska ah ee laga dareemi karro waddaninimada iyo Somalilandnimada ayaa waxa ka mid ah wasiirada Horumarinta Biyaha, Warfaafinta iyo Beeraha. Marka laga reebo wasiirka Warfaafinta, masuulyiinta labada wasaaradood ee kale ayaad moodaa inay buuxinayaan shaqooyin ama xilal ay ka gaabiyeen masuuliyiinta wasaarado kale. Qaar ka mid ah xubnaha xukuumadda Kulmiye ayaan weli laga maqal in maamulka Puntland gardarro ku soo weeraray Somaliland halka qaarkoodna ka warwareegaan hadalqaadka gardarada Farmaajo. Xubno Golaha wasiirada Somaliland kaga jira gobolada dalka qaar ayaan weli dib ugu soo noqon dadkii ay meteleyeen ama aanay weli isbaranba, shirar iyo kulammo ay arrimaha dalka kaga wada hadlaan iska dhaafe.Wasaaradihii ugu muhiimsanaa ee dalkan dhaqaajinayey ayaan loo dooran ragii wadi lahaa sida Maaliyadda, arrimaha debedda, arrimaha gudaha, iyo gaashaandhigga, maxaase lagu qiimayn karaa kuwa kale ee ka derejo hooseeya.

Ugu dambayntiina marka la eego xukuumadda Somaliland ee dalka xukunta wakhtigan, xaaladaha ama dagaalada wejiyada kala duwan leh ee dalka lagu hayo lana barbardhigo cidda laga sugayo inay u jilib dhigto ayaa cid kastaa garan kartaa inay yihiin kaaf iyo kala dheeri, saddexdaa wasiirna aanay ku fillayn difaaciisa iyo horumarrintiisaba.

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.