WorldRemitAds

Reer Boorama iyo Sida ay u arkaan Safarka Daahir Rayaale Kaahin dib ugu soo laabtay dalka. Waa Faallo uu Qoray Weriyaha Saxafi ee Boorama, Maxamed Cumar Sheekh.

Sida la ogyahay waxa dhawaan dalka safar ku yimi madaxweynihii hore ee Soomaaliland  Daahir Rayaale.

Safarkan oo ka mid ah safarada naadirka ah ee u dalka ku yimaaddo Rayaale, ayaa ku soo beegmay wakhti xaalad ammaan darro ah lagu sheegay gobolka uu ka soo jeedo kooxo hubaysanina kaga soo duulayaan Soomaaliland, iyadoo dhinaca kalena safarka Rayaale kusoo beegmay bil ka dib markii uu geeriyooday Suldaan  Cilmi Rooble Furre, janaraalkii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliland oo ka soo jeeday Jufada Daahir Rayaale ee beelaha deegaanka Boorama.

SomlegalAds

Sidoo kalena safarka Daahir Rayaale ku yimi dalka ayaa ku soo beegmay wakhti ay demayso xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay muddo kordhin golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda haatan, beelihii taageerada siin jirey ee reer Awdalna ku kala qaybsameen arrimo door ah.

Rayaale oo  lagu bartay inaanu saxaafadda Gudaha iyo debedda siinin warar badan, ayaa markii uu ka soo degay garoonka Hargeysa, shir jaraa’id u qabtay saxaafadda kagana hadlay arrimo door ah oo laga filayay iyo kuwa aan laga filayninba, balse soo jiitay dadweynaha.

Rayaale oo shirkan jaraa’id kaga farxiyey taageerayaashii UDUB iyo reer Awdalba  ayaa  waraysigaasi iskaga riixay burburka xisbul xaakimkii hore  ee UDUB dushana ka saaray wasiirka daakhiliga ee dawladda Kulmiye, kana mid ahaa qamaamuurta xisbul xaakimkii hore ee UDUB, isagoo dhinaca kalena  raalligelin siiyey siyaasiyiintii uu ka burburray xisbul xaakimkii UDUB.

Markaan dib ugu soo laabanno dareenada kala duwan ee  safarka madaxweynihii hore ay ka bixiyeen qaybo ka  mid ah dadweynaha Boorama, weligoodna siin jiray taageerada siyaasadeed iyo kuwii tirada yaraa ee ka soo horjeeday, ayaad ogaaneysaa sida ay safarka Rayaale ugu xidhiidhiyeen arrimo siyaasadeed, kuwa beeleed iyo kuwa gaar u ah madaxweynahaasi hore.

Dhinaca siyaasadda haddaan soo qaadanno waxay badi dadka la socday safarka Rayaale ku sheegeen inuu yahay mid uu xukuumadda Kulmiye ku tusayo inuu weli yahay miisaan culus oo dhinaca siyaasadda dalka wax ka beddeli kara ,mucaarad iyo muxaafid midku doonaba ha ahaadee, halka qaybo kalena ku tilmaameen safarkja Rayaale inuu yahay mid uu iskaga fogeynayo xidhiidhka iyo tuhunada  ku saabsan Suldaan beeshiisa ka falaagoobay, soohdinta deegaanka Qulujeedna  ka dhigtay saldhig lagaga soo duulo Soomaaliland, baaqyo loogu yeedhayo in Rayaale kala badbaadiyo  tolkii iyo dalkii  ama dadkii uu xukumayeyna loo mariyey saxaafadda. kuwa kale ayaa safarka ku tilmaamay mid uu niyadda ugu dhisayo beelaha uu ka soo jeedo  iyo taageerayashiisii kaddib doorashooyinkii lagaga qaaday kursiga dalka ugu sarreeya shan sano ka hor, dibna ugu soo celiyo saaxadda siyaasadeed ee ay ka sii baxayaan, halka kuwa kalena ku sheegeen in safarka Rayaale lugta ku hayo  sidii uu xisbiga Waddani  ugu biirin lahaa miisaan  cidhiidhi gelin kara  xisbulxaakimka Kulmiye, in kastoo Rayaale sheegey inaanu soo kala dhaweysan doonin xisbiyada qaranka. Arrimaha kale ee  ay safarka Rayaale ku sheegeen qaar ka mid ah dadweynuhu ayaa  waxay ku tilmaameen mid lugta ku haya wadahadal dhex maray madaxweyne Siilaanyo iyo isaga, kuna saabsan sidii Rayaale u dhexdhexaadin lahaa Suld. Wabar, beelaha uu kasoo jeedo ee deegaanka Boorama iyo dalka deriska ah ee Itoobiya.

Qaar kale oo dadweynaha reer Boorama ah ayaa safarka Rayaale ee Soomaaliland ku tilmaamay mid uu ku ilaashanayo sumcaddiisa iyo danihiisa gaarka ah  meeshana looga saari lahaa cadaawad dadkii doortay ee reer Soomaaliland ugu qaadaan weerarada  dalka kaga imanaya  deegaankiisa iyo beelaha uu kasoo jeedaba.

dad kale oo tiro yar ayaa iyagu safarka Rayaale ku sheegay inuu yahay mid uun fasax caadi ah oo u kagasoo digo roganyo uun barafka ku xayiray deegaankiisa  cusub  ee dalka Faransiiska.

Ugu dambayntiina waa goor hore in la ogaado ujeedada dhabta ah ee madaxweyn ihii hore ee dalku ku yimi Soomaaliland, lamana saadaalin karo shar iyo khayr mid uu ku soo kordhin doono saaxadda siyaasadeed iyo amniga dalka, waxase hubaal ah in wakhtiga u Rayaale dalka ku suganyahay laga yaabaa  inuu ka aamuso ama jawaabo waafi ah ka bixiyo su’aalo badan  oo ay kolleyba weydiin doonaan shicibka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo muxaafidkaba leh iyo dawladda  Madaxweyne Siilaanyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.