WorldRemitAds

Virginia, USA, May 22, 2019 (Saxafi) – Maxkamad ku taalla dalka Maraykanka ayaa ku heshay Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) inuu Jidhdil iyo Xadgudub kulla kacay soddon sanadood ka hor waqti uu haystay ciidan ku sugnaa magaallada Gabiley siddeetamaadkii.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Garsoorka Maxkamad ku taal Waqooyiga Virginia ayaa ka dib markii ay saddex cisho dooddu socotay waxaa ay salaasaddii shalay u xukumeen $500,000 Farxaan Maxamuud Taani Warfaa, oo beesha uu ka soo jeeddo darteed Kornayl Tuke mayd ahaan uga tagay. Farxaan ayaa tagay Maraykanka si uu u cadeeyo tacadigii loo geystay dhawaan. Waxaana uu tilmaamay in dad badan oo uu ku jiro la ururiyay waqtigaas oo da’diisu ahayd 17 Jir. Islamarkaana si xun loo jidh dilay intii waraysiga lala yeelanayay, aakhirkiina Rasaas inta uu Tuke la dhacay uu Mayd ahaan uga tagay oo Ilaahay badbaadiyay.

Yusuuf Cabdi Cali Tuke oo baryahan danbe ku noollaa Alexandria, waa uu qirtay inuu ahaa Kornayl ka mid ahaa ciidankii Siyaad Barre horjooggaha ka ahaa ee Somalia, balse waxaa uu beeniyay in uu Toorjar gareeyay Oday Warfaa waagaas. Laakiin, taasi kama reebin waxaana Maxmadu u Xukuntay dhibanahan la jidh dilay magdhow gaadhaya $500,000.

Sidoo kale, Korneyl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke), waxa lagu xukumay kharashaadkii muddadii ay dacwaddu socotay, waxaana guud ahaan wadarta lacagta lagu xukumay kor u dhaaftay hal milyan iyo badh doollarka Maraykanka ah.

Tallaabadan ayay u doodayaasha cadaaladda dunidu aad u soo soo dhaweeyeen, isla markaana ku tilmaameen bilow fiican oo sharciga lagu marin karo qof kastoo oo dambiyo ka soo geystay dalkiisii, isla markaana hadda ku sugan Maraykanka iyo dunida kaleba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.