WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 12, 2012 (Saxafi) – Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa shalay toddobo maalmood oo rumaan ah u dirtay saddexdii masuul ee ay ciidamada amaanku xabsiga u taxaabeen doraad, kuwaasoo isla markiiba laga qaaday xilalkii ay hayeen.

Saddxedan sarkaal ayaa kala ah Axmed Cumar X Cabdilaahi (Xamarje), badhasaabkii gobolka Maroodijeex, Axmed Cilmi Barre agaasimihii guud ee wasaarada dib u dejinta iyo Cismaan  Jaamac Siciid,  la taliyihii Madaxweyne ku xigeenka,waxaana lagu eedayay fadeexado musuqmaasuq oo la xidhiidha raashin gargaar ahaa oo la leexsaday, iyada oo maxkamada shalay la horkeenay.

Maxakamada ayaa u sheegtay masuuliyiinta eedaysan in ay Sabtida toddobaadka danbe dacwadoodu furmi doonto, iyada oo dhanka xukuumada laga filayo in ay soo gudbiyaan cadaymaha ay u hayaan fadeexadaha lagu eedeeyay saraakiishan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.