WorldRemitAds

Berbera, Somailand, March, 2012 (Saxafi)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa sheegay in khilaafkii ganacsi ee ka taagnaa gobolka Saaxil uu halis ku jiro inuu dhibaato dhaliyo kadib markii sidda uu sheegay wasiirka Arrimaha Guduhu waanwaantii laga waday arrintaas ganefka ku dhuftay, isla markaana sheegay inuu amarka madaxtooyadda fulinayo xoogna lagu dhisayo.

Wasiirka oo ay ergo ahaan ugu tageen xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda iyo guddoomiyaha golaha Deegaanka ee Berbera oo doonayey inay ka tallobixiyaan khilaafka cakiran ee jira ayaa Xildhibaanku sheegay in wasiirku ka diiday, sidoo kalana ay wasiirka u tageen odayaal iyo waxgarad ka socda magaaladda Hargeysa iyo kuwa ka socda magaaladda Burco kuwaas oo ku guuldaraystay inay waan waan ku soo dabaalaan arrimaha taagan, haseyeeshee uu wasiirku sheegay inuu fulinayo amar dawladeed.

Md: Maxamed Qabile oo ka tirsan mudanayaasha ka soo jeedda gobolka Saaxil ee ku jira golaha Wakiiladda oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayey wargeyska Saxafi ayaa ka dayriyey hab aan wanaagsanayn oo uu sheegay in xukuumadda madaxweyne Siillanayo ku dhaqmayso iyo tallo maroorsiga ay ku doonayaan inay si jujuub ah ku meel mariyaan hawlahoodda, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Sida lala wada socday waxa magaaladda Berbera ka taagan khilaaf ganacsi, kuwaas oo la doonayo in khayraadkii uu gobolkani hodanka ku ahaa si Qayral sharci ah loo rarto oo dad gaar ah laga iibiyo, waxa ay dawladdu siisay shirkad gaar ah warshaddii Sibidhka taas oo khilaafka ugu weyni ka taagan yahay, waxa xalay ciidamo badan uu keenay deegaankan laga taagayo warshadda iyo laamidda dhinaceedda, kuwaas oo la doonayo in xoog lagu dhiso warshadda, waxaana la sheegayaa in madaxtooyaddu hawshan wadato shirkad gaar ahna ay siisay, markii aanu u tagnay wasiirka, anaga iyo maayarka Berbera iyo taliyaha boolisku oo aanu is nidhi meesha ka talo bixiya wasiirku waxba wuu naga dhagaysan waayay, waxaanu sheegay in amar uu ka wato madaxtooyada, warar kalana waxa ay sheegayaan in madaxtooyaddu ay doonayso inay xoog ku dhisto meesha oo xagaasi laga soo siiyey, waxa kale oo meesha yimid labaatan oday oo ka socda beesha Sacad Muuse oo doonayey inay xaliyaan khilaafkan, haseyeeshee wasiirku waxba kama dhagaysan sidaasbay ku soo noqdeen waxa iyaguna maanta (Shalay) yimid labaatan kale oo odayaal ah oo ka socda beesha Habar yoonis oo doonayey inay dajiyaan, waxaanay kulan xalay la yeesheen wasiirka haseyeeshee wasiirku waxa uu ku adkaysanayaa inuu fuliyo amarkaa madaxtooyadda”ayuu yidhi Qabile oo ka warbixinayey xaaladda gobolka Saaxil.

SomlegalAds

Xildhibaanku waxa uu xukuumada iyo goleyaasha sharcidejinta ugu baaqay inay arrimahan wax ka qabtaan intaanay arrimuhu fogaan, taas oo uu sheegay inay halis ka taagan tahay dadkuna aad u kacsan yihiin. “Shirkad baa doonaysa inay meesha dhisato, wasiirka amar ayuu ka wataa madaxtooyada, ciidan badana waa la keenay waana nasiib daro in ciidankii Qaranka loo adeegsado danno gaar ah oo cid lagu qasbo iyo in shirkad kaliya loo wada shaqeeyo khayraadkii dalkana la siiyo ”ayuu raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, waayadan dambe waxa cirka isku shareeraya muranka ganacsi ee ka taagan gobolka Saaxil, kuwaas oo ay sii adkaanayso xalinteeddda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.