WorldRemitAds

Booliska dalka Mexico ayaa xabsiga u taxaabay, haweenay diiday inay kaawiyadayso dharka odaygeeda, waxaana sida warbaahintu ku warantay gabadhan oo 21 jir da’deeda lagu sheegay, si deg deg ah loo hor geeyay maxkamad ku taala magaalada ay ku nooshahay, halkaas oo ganaax culus oo lacageed lagu xukumay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Ninka qaba gabadhan ayaa u dacwooday Booliska magaalada Tampico ee dalka Mexico oo uu ku nool yahay, waxaanu dacwadiisa uu booliska u gudbiyay ee xaaskiisa ka dhanka ah, ku sheegay in ay diiday, maydhista iyo kaawiyada dharkiisa.

SomlegalAds

Booliska Magaalada Tampico ee dalka Mexico ayaa si deg deg ah, gabadhan ugu diray ciidamo soo qabto, waxaana sida ay sheegeen taxaabida gabadhan ay u adeegsadeen, sharciga masuuliyada lamaanaha ee dalkaas, oo gabadha ku waajibinaya in ay masuuliyada guriga oo dhan iyadu leedahay, waxaana ka mid ah, masuuliyadaha haweenka ku waajibka ah ee dalka Mexico ayaa maydhista iyo kaawiyada dharka qoyska gaar ahaan ragoodu ugu horaysaa.

Sida warbaahinta dalka Mexico laga soo xigtay gabadhan ayaa maxkamadu ku xukuntay shan iyo labaatan dollar oo ganaax ah lacag u dhiganta, taas oo ninkeedu ka bixiyay markii ay sheegtay in aanay haysan oo xadhig loogu badalo.

Lamaanahan oo magacyadooda warbaahintu shaacin ayaa la sheegay in ninku ka dabeecad fiicnaa gabadhaas, markii uu ka bixiyay ganaaxii maxkamadu ku xukuntay ka dib uu garsooruhu sheegay in ay dacwadoodu maxkamada ku noqotay mid layaab leh, sababtoo ah? Dhibane ayaa eedaysanihii uu ka cabanayay ka bixiyay ganaaxii lagu xukumay.

Garsooraha ayaa xaalada lamaanahan ku tilmaamay mid in la wanaajiyo u baahan, maxkamadooduna ka halw geli doonto sidii ay isugu soo dhawayn lahayd, qoyskan xurguftu ku kala dhex dhacday.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.