WorldRemitAds

Hawl galadda lagula dagaalamayo kooxaha mukhaadaradka iyo danbiyada waaweyn ka sameeya dalka Mexico ayaa galay qaaba qowsayn iyo meel adag ka dib markii nin dhawaan la qabtay oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha daroogadda iyo danbiyada ka ganacsada ee dalkaas.

Ninkan oo lagu magacaabo Servando Gomez ayaa dhawaan hawl gal balaadhan oo boolisku fuliyay lagu qabtay, isaga iyo daroogo iyo waliba lacag tira badan oo marka la isku geeyo gaadhaya 2.4-Million oo dollar, inkastoo hawl galkaasi si guul ah ku dhamaaday isla markaana aanu dhiig badani ku daadan.

Balse taasi umay noqon booliskii hawshaa fuliyay farxadii guushu mid sii socota, waxaana mar kaliya lagu war helay in Mr. Gomez oo lagu naanayso Professor uu aduun dhan 4150 Dollar dakhliga umadda iyo miisaaniyada qaranka Mushah ahaan uga helay dhawr bilood, isla markaana waxa la xaqiijiyay inuu dawladda ugu suntan yahay shaqaale meelaha ugu xasaasisan ka hawl gala.

SomlegalAds

Professor-ku wuxuu dawlada ugu diiwaan gashanaa macalin wax ka dhiga dugsi ku yaala magaaladda Michoacán, mushaharo rasmi ahna bil walba ka qaato khasnada iyo hantida dadwaynaha, dhinaca kalana uu ku kaco ama ku talaabsado hawl galo axmaqnimo ah iyo burburinta malaayiin qof noloshooda. Markii qabashadda ninkani soo baxday ayaa waxa dalkaa isla oogsatay qaylo dhaan odhanaysa yaa xalaala Mexico.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.