WorldRemitAds

Iyadoo dhawr todobaad oo kaliyii ka hadhsan yihiin, sanad guurada Koowaad ee madaxtinimada Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa dil dilaac ku dhacay maamulkiisa aan sanadka jirin, waxaana hadheeyay is casilaado kala danbeeyay oo masuuliyiinta sar sare ee dawladiisu kaga tageen maamulkiisa.

Istiqaaladaha is xig xigay ee gil gilay xukuumada Donald Trump ayaa waxa ugu danbeeyay haweenayda Madowga ah ee Omarosa M. Newman, taas oo ka mid ah xubnaha ugu caansan uguna saamaynta badan ee xukuumadiisa dhismaheedu wali socdo.

Omarosa M. Newman ayaa ah Masuulka ugu saraysa ee qoomiyada dadka Madow ee Afrikaanka Maraykanka ka soo jeeda, ee saraakiisha sare ee aqalka cad ka midka ahayd, waxaanay haweenaydan oo caan ka ah dalka Maraykanka horena u ahaan jirtay bandhige Telefishan.

SomlegalAds

Ay istiqaaladeedu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku noqonaysa jab kale oo soo gaadhay, kaas oo ku soo beegmaya, saacado uun ka dib jabkii Madaxweyne Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga ka soo gaadhay gobolka Alabama oo lagaga guulaystay kursigii golaha sare ee Senate-ka oo muddo rubuc qarni ah xisbiga Jamhuurigu haystay, balse si fudud looga faro maroojiyay, xisbiga Dumuqraadigu hadiyad ahaan u helay.

Omarosa M. Newman ayaa maamulka Donald Trump u qaabilsanayd xidhiidhka isgaadhsiinta ee aqalka cad, taas oo ka mid ahayd masuuliyiinta tiradda Yar ee qoomiyada Madowga Maraykanka ka soo jeeda, haweenaydan ayaa sida la sheegay is casilaadeedi dhaqan geli doonta badhtamaha bisha inagu soo foolka leh ee sanadka cusub ee 2018-ka.

Xiligaas oo ku beegmaysa xuska sanad guurada koowaad ee doorashada Madaxweyne Donald Trump, waxaanu maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu noqonayaa kii ugu khilaafka iyo is casilaadaha badnaa dhamaan dawladihii kala duwanaa ee dalkaas soo mara.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.