WorldRemitAds

Ma Ogtahay,  In Midowga Yurub lagaga dhawaaqay caasimadda Talyaaniga ee Roma, 1957-kii, laguna aasaasay heshiiskii loogu magaca daray, Treaty of Roma, wakhtigaas oo ay ku bahoobeen, lixda waddan ee Belgium, France, Italy, Luxembourg, Netherland iyo West Germany, laguna magacaabi jiray, Suuqa Dhaqaalaha Ee Yurub (European Economic Community (EEC).

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Ma Ogtahay, , In waddankii Ugu danbeeyay ee ka mid noqda Midowga Yurub ahaa dalka Croatia, oo ku biiray 1 July 2013.

Ma Ogtahay, In Tiradda Waddamada Xubnaha ka ah Midowga Yurub, ka hor intaan Ingiriisku ka bixin ahayd 28-dal.

Ma Ogtahay,  In Qaab dhismeedka Midowga Yurub ee lagu balaadhiyay, waddamo tiro badana ay xubnaha kaga noqdeen, ka dhashay heshiiskii Lisbon ee caasimadda Dalka Portugal lagu gaadhay sanadkii 1993-kii.

Ma Ogtahay,  In Britain tahay dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan Midowga Yurub, waxaana ka horeeya oo kaliya dalka Jarmalka.

Ma Ogtahay,  In Aftidii ugu horaysay ee dadka Ingiriisku ugu codeeyaan ka mid noqoshada Midowga Yurubta ahayd sanadkii 1975-kii wakhtigaas oo boqolkiiba 66% ay ogolaadeen ku biirista Midowga Yurub.

Ma Ogtahay,  In Boqortooyada Ingiriisku codsatay xubin nimada Midowga Yurubta sanadkii 1960-kii, laakiin uu labo jeer codka diidmada qayaxan ku Hor istagay Madaxweynihii hore ee Faransiiska Charles de Gaulle 1963 iyo 1967-kii.

Ma Ogtahay,  In Ingiriisku ku biiray Midowga Yurubta 1973-kii, ka dib markii Madaxweynihii awooda badnaa ee Faransiiska Charles de Gaulle laga dhimay awoodihii uu ku lahaa ururka.

Ma Ogtahay, , In Switzerland tahay waddanka kaliya Yurubta Galbeed ee aan Xubinta ka ahayn ama aan ku jirin Midowga Yurub, in kasta oo ay heshiisyo badan oo Schengen Treaty ee 1995-kii, kaas oo dhigaya in xuduudaha dalalka Yurub la isku furo.

Ma Ogtahay, , In Switzerland tahay waddanka kaliya Yurubta Galbeed ee aan Xubinta ka ahayn ama aan ku jirin Midowga Yurubta, in kasta oo ay heshiisyo badan oo Schengen Treaty ee 1995-kii, kaas oo dhigaya in xuduudaha dalalka Yurubta la isku furo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.