WorldRemitAds

Brussels, Belgium, July 07, 2018 (Saxafi) – Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa meel-mariyay Qaraar ku saabsan xaaladda Soomaaliya , waxaana uu ku eedeeyay dowladda Somalia ku tumato Xuquuqda Aadanaha.
Gollahan oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa waxa kale oo ay ku eedeeyeen xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre inay cabudhiso saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha deegaanada ay maamusho. Sidoo kale, dowlad goboleedyada dalkaas ayaa loo soo jeediyay eed taas la mid ah.
Labadaba – Dawladda Federaalka iyo maamuladda hoos yimaadda wuxuu ugu baaqay Baarlamaankan xaruntiisu tahay dalka Belgium-ka inay ilaaliyaan, oo ay dhowraan xuquuqda Aadanaha, islamarkaana Saxaafadda xor ka dhigaan.
“Dawlada Soomaaliya ee hadda jirta waxay ku xadgudubtaa shuruucda u degan caalamka ee dhowrida xuquuqda Aadanaha iyo xorriyadda hadalka,” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka EU.
Cambaareyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli saxaafadda Soomaaliya iyo wariye-yaasha ka howlgala ay kala kulmayaan dawladda Farmaajo tacadiyo kala duwan, oo xadhiga, jidhdil iyo cagajugleyn ay kamid yihiin.
Wali dowladda Soomaaliya iyo maamulladeeda ayaan ka jawaabin eedeynta loo soo jeediyay, oo ah midii ugu cuslayd oo Ururka Midowga Yurub kaga yimaada.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu amniga xun ee uu saxafi ka howlgalo, waxaana ka dhacay dilal qorsheysan iyo Afduub lagula dhaqaaqo Wariye-yaasha dalka u dhashay iyo kuwa kale ee Ajnabiga ah.
Dhinaca kale, Baarlamaanka Midowga yurub waxaa ay digniin u direen waddamada khaliijka oo ay sheegeen in danaha ay ka leeyihiin dhibaato ku keeni karto dalkaas.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.