WorldRemitAds

Nin wakhtigan ka mid ah dadka ugu ladan dalka Shiinaha, balse yaraantiisi darxumo iyo rafaad u soo dhamaaday, ayaa abaal celintii ugu wanaagsanayd u guday haweenay wakhti xaaladu aad ugu adkayd gacan qabatay, xiligaas oo uu aad u da’ yaraa.

Ninkan oo lagu magacaabo, He Rongfeng, waxa uu sheegay in aanay xusuustiisa waligii ka bixin abaalka ay u gashay, haweenaydan oo uu isna imika ku maamuusay aduun lacageed oo iyada lafteeda ka farxiyay markii uu abaal gudka u siiyay.

Sida uu ku waramay sanadkii 1993-kii, ayaa ninkan oo da’diisu wakhtigaa ahayd todoba iyo toban jir, waxa isaga iyo labo ka mid ah saaxiibadii ay u dalan dooleen, degmada Taizhou ee gobolka  Zhejiang, waxaanay ka bilaabeen shaqo raadin, laakiin markii xaaladu ku adkaatay ee wax camal ahna ay ka waayeen, ayay dantu ku kaliftay inay dawarsadaan, si ay ugu yaraan noloshooda u dabari karaan.

SomlegalAds

He Rongfeng ayaa sheegay in xaalada qoyskoodu ahayd mid aad u liidata, oo isagu uu ahaa qofka kaliya ee caawin kara, laakiin isaga laftiisu xaalad ka sii daran ta qoyskooda uu galay markii magaalada uu u soo hayaamay, dawarsiguna sida uu sheegay uu ku ahaa wax ku adag oo aanu sii wadi Karin isaga iyo saaxiibadiiba.

Rongfeng ayaa isagoo ka hadlaya haweenaydan iyo sidii ay xalaadiisi nololeed gabi ahaanba u badashay waxa uu yidhi, “Aniga iyo labadaydi saaxiib oo gaajo la il daran, ayaanu tagnay, xaafada ay gabadhani deganayd, waxaanu xiligaa qadoodiga na hayay awgii ku dhawaanay inaanu socon kari wayno, biyo badan oo gaajada iskaga bakhtiya aanu lahayna waxay nagaga dhaceen beerka, ka dibna waxa noo gurmatay haweenaydan aan maanta abaal celinta siiyay oo wakhtigaas gabadh da’ yar ahayd.”

Sida uu sheegay haweenaydan oo lagu magacaabo, Dai Xingfen ayaa aragtay, waxaanay markiiba siisay cunto, taas oo uu ku tilmaamay tii nafta ku soo celisay, intaa ka dib ayay Xingfen isaga iyo saaxiibadii gaysay, gurigeeda halkaas oo ay ka maydh maydheen, kuna nolaayeen dhawr maalmood oo ay asxaabteeda la xidhiidhaysay, waxaanay ka dalbatay dadkii ay aqoonta u lahayd in shaqo loo raadiyo dhalinayarada, taas oo mid walba shaqo ka helay.

Rongfen oo markii uu ka sheekaynayay abaalka haweenaydani u gashay ilmaynayay, ayaa halkaas ku gudoonsiiyay, boqol iyo lixdan kun oo dollar, waxaanu sheegay in sababta uu dib ugu soo noqday magaalada haweenaydani ku nooshahay kaliya la xidhiidhay sidii uu ugu abaal gudi lahaa, haweenaydaas oo noloshiisa mar kaliya badashay, kuna riday tubta nolosha ee u horseeday inuu taajir milyaneer ah noqdo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.