WorldRemitAds

Kala-maan: Eeyaahe Qaafo.

Qaayiba: Waaryaahee ma samaanyihii baan lagaa bixin mise daragadaa lagaa qaatay, Qaafo, Qaafo uun baad haysaaye qalabadda lagaa qaadye magacaygu waa QAAYIBA.

Kala-maan: Qaaf  iyo Qaab waxba hay kala wadine waysku midee waxaan ku waydiiyey nimankii wadaada ahaa ee dadka diinta u hayay waxay ku wad socdaan ma jiro. Qaar waa kuwii madasha samaysty,  qarna masaajiddaday kala qaybsadeen oo qudbadda jimcahay ku yoo-yootamaan.

SomlegalAds

Qayiba: Sheekaba sheekay keentaaye, beri waxa jiray wadaad Sheekh u ahaa beelo dhan, oo illaa laba boqol iyo wax ka badan oo  qoys ah. kuwaas oo kudaba tukan jiray  wadaadkaas,  oo hadday tahay meherka, hadday tahay malcaamad, hadday tahay nabaadiina-xidh iyo hadday tahay qardhaas la qoroba. Isagaa beesha wadaad u ahaa. Wuxuu yidhaahdana lama dhaafi jirin. Wixii sako ama sadaqo ama neef-awliyo ah iyo qurbaankaba isagaa qaadanjiray. Beeshu waxay caado u lahayd inay bil bilaha ka mid ah alla baryaan oo ay tadcaar dhigtaan. Wadaadkii oo sadcaal ku maqan ayaa waxaa soo galay xilligii tadcaarta. Garo oo wadaadkiina wuxuu ka soo badhyaysanayaa beelo kale oo aan ooshoodu dhawayn. Muddo ka dib ayuu ku soo noqday deegaankii, kolkuu soo gaadhay qoysbaalleedka ayuu la kulmay nin ka mid ah beesha, lays waraysay, had-iyo-jeer waxaa warrama cidda socotada ahe wadaadkii warbuu dabada ka galay meel hebla waxaasaa laga joogay, meel heblana waxaasaa ka dhacay, beel heblaayo waxaasaan kala kulmay, sidasaa lay yeelay, sidaasaa lay galay, wuxu usheegay sooryo, soodhaweyn farabadan iyo wax siin sheegeed ba’ay, halkaasuu wax maray. Wuxuu ku soo gebagebeey waar bal warran adiguna?

Ninkii kalena wuu waramay, waxbadan oo dabadii beesha ka dhacayna wuu u sheegay, hadalkiina wuxuu kusoo ururiyay adiguun baa lagaa werwersanaaye wax dhibaato ahi kama dhicin. Wadaadkiibaa su’aal u celiyay oo wuxuu yidhi waar horta beeshu sakadii ma bixisay?

Nikii baa yidhi haa waanu bixnay sakadii. Markaasuu yidhi oo yaa siiseen? Markaasuu nikii ku yidhi dee Sheekh hebel iyo xer uu watay baa noo yimid oo kuwaasaa sakadii laysugu daray. Markaasaa wadaadkii yidhi oo tadcaartiina ma dhigteen. Markaasuu nikii yidhi haaheey eebe ha aqbalee. Iyana yaa idinla joogay. Ninkii baa ku yidhi dee awhebel iyo aw hebel iyo wadaadkii reerahaa malcaamadda u dhigi jiray kuwaas oo dhan baa joogay. Wadaadkiibaa yidhi sakadiina ma bixin, tadcaartiina may juusin. Ninkii baa yaabay oo ku yidhi oo waayo aw-hebeloow. Wadaakii wuxu yidhi miyaan anigu idinla joogay.

Een markaa wiil yar baad tahay tan aad I waydiisayna taas ayuun bay la mid tahay. Dee xaalku waxa weeye anigu miyaan idin la joogay.

Kala-maan: Waxaan ku weydiiyay Qaayibaay markaad daawto tv-ga oo aad muraayad u taqaan ama laguu akhriyo jaraa’idka oo aad adigu xaashado u taqaan. Waxaa ka soo baxa dad xanaaqsan oo mucaarid ah oo dawlada  ka cabanaya, haddaad fiirfiirisay sideed u aragtaa?

Qaayiba: waaryaahe horta waan daawadaa muraayadaha, xaashadahana waa lay akhriyaa, dadkaana waan arkay. Ma wixii mucarid ah ee xisbiyo haysta. Mise wixii beelo iyo reero ah. Wixii mucaarid ah ee xisbiyo haystaa dawladda way maagi karaan waxna way ka sheegi karaan, waanay amaani karaanoo wanaageeday sheegi karaan. Waanay u hanjebi karaan hadday doonaan. Laakiin dadka reeraha sheeganaya ee laabta iska garaacaya ee hanjabaya waxaan odhan lahaa, waydinka yidhaahda waxbaanu duminaynaaye haddii aad sharciga iyo nidaamka ka maarmaysaan oo aanay dani idiin ku jirin maxaa xoog noogu qabsan lahaydeen berigii dhulku bilaa dawladda ahaa. Bulshadu waxaa idinkama geydee waxaa ha noola imanina ma reerihiinnaa na baraysaan mise xuquuq dheeraad ahoo laydinku gunnaynjiray oo aanaan ogaynbaa la idinka gooyay. Qarankana qof ma leh qoysna ma leh reerna ma leh kooxina ma lehe ee waa wax dadka ka dhexeeyee xisbiyad mucaaridka ah bulshadaa igmatee idinka yaa idin igmaday oo aad wax uga masuul tihiin. Intaasaa leeyahay kuwaana.

Kala maan :  Saakaad ka darrtay oo aad iska bedeshay magacii

Qaayiba:  magaca bilaash ma baxo waxaasi waa waxa Kala- maan laguu yidhi waxba sii wadi maayo magacaaga aniga kolkii horeba I deeqaye nabaadiino.

Lasoco qaybaha dambe……………………

Cali Ismaaciil (Cali Duulduul)

0634414633

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.