WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, November 7, 2014 (Saxafi) – Mooshin dhan ka ah Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa shalay galab loo gudbiyey guddoonka baarlamaanka Soomaaliya,taas oo kor u sii qaaday murankii labadda masuul ee Soomaaliya ugu sareeya.

Warar lagu kalsoonaan ayaa sheegaya in mooshin ay saxiixeen xildhibaanno ka badan boqol, iyadoo uu ka guddoomiyay nidaamiyaha baarlamaanka kaas oo ku dhuftay shaabada qabashada mooshinkan.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in tiro wasiirro iyo xildhibaanno ah ay qayb ka yihiin xubnaha saxeexay mooshinka lagu doonayo in loogala laabto kalsoonida Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, inkastoo ay jiraan kuwo ka soo horjeeda.

SomlegalAds

Inkastoo aan la hayn weli tirada saxda ah oo ah xildhibaannada mooshinkan saxeexay, haddana waxa mooshinkan baarlamanka u gudbiyay 55 mudane sida aanu kasoo xigannay xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo diiday in magacyadooda la xuso.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa maalmahan si weyn ugu kala qaybsanaa mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo qaarkood ay ku goodiyeen inay iyaguna mooshin ka keenayaan guddoonka baarlamaanka haddii mooshin laga keeno Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sh. Axmed.

Dhanka kale, Beesha caalamka ayaa sheegtay in khilaafka kajira labaddan masuul ee ugu sareeya Soomaaliya uu caqabad ku yahay horumarkii soomaaliya ka socday iyo qorshihii beesha caalamku u qabteen inay soomaaliya doorasho ka dhacdo 2016-ka.

Sannadkii hore ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanku Somalia ay kalsoonida kala laabteen ra’iisul wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon oo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh uu soo dhexgalay khliaaf xooggan oo saameyn ku yeeshay hay’adaha dowladda.

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo muddo sannad ku dhow haya xilka ra’iisul wasaarenimada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin mooshinkan, laakiinse dhawaan ayuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in khliaafka kala dhexeeya madaxweyne Xasan la dhameyn doono dhowrka maalmood ee soo socda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa shalay u amababaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay kaga qayb-gelayaan shir looga hadlayo xaaladda colaadeed ee dalka Koonfurta Suudaan.

Shirkan oo maalin socon doona ayay madaxda gobolka uga hadli doonaan xaaladda Koonfurta Suudaan, iyadoo warbixin looga dhageysan doono ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Koonfurta Suudaan, kuwaasoo ka war-bixin doona xaaladihii u dambeeyay ee dalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta aanu u dhoofin Itoobiya shir albaabaddu u xidhan yihiin habeen hore la yeeshay guddoomiyaha baarlamanka iyo ra’iisul wasaaraha, hseyee ilaa hadda lama sheegin waxay ka wada hadleen.

Kulankaas kaddib ayaa waxa uu madaxweynuhu kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha baarlmaaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo aan la ogeyn waxay uga wada-hadleen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.