WorldRemitAds

Mucjisada Guri caadi ah oo ku yaala magaalada xarunta ganacsiga u ah dalka Australia ee Sydney ayaa ka mid noqday, waxyaabaha ugu hadal haynta badan ee laga soo wariyo dalka Australia iyo magaalada Ganacsiga ee Sydney, taas oo ka soo bilaabmaysa sanadkii 2008-dii oo mar kaliya gidaarada gurigani Saliidi ka soo burqatay.

Mucjisada Guri Gidaaradiisa Saliidi Gurigan oo ku yaala galbeedka Magaalada Sydney, waxa uu ka mid yahay, meelaha dalxiisayaasha ugu badan ee magaaladaa tagaa ay booqdaan, waxaana dadka had iyo jeer u safraa u badan yihiin, kuwo u dawo doonta, isla markaana rumaysan inuu mucjiso diineed oo kiristaanka loo soo dejiyay yahay.

SomlegalAds

Lamaanaha degan gurigan oo lagu kala magacaabo, George Iyo Lina Tannous, ayaa saliidan gurigooda ka soo da’aysa u aaminsan Ruuxda Wiil ay dhaleen oo isagoo 17-jir ah shil gaadhi ku dhintay, kaas oo wakhti yar markii uu mootanaa gidaarada Gurigoodu bilaabeen in Saliidi ka soo dareerto sida ay warbaahinta u sheegeen.

Lamaanahan ayaa gidaarada gurigooda ku qora taariikhda dhalashada ilmahooda shilka baabuur kaga dhintay, waxa kale oo ay ku sawiraan Mucatabka ama iska talaabta dadka Kiristaanku diiniga u aaminsan yihiin, sidoo kale waxay daweeyaan dadka xanuunada kala duwan ka cabanaya ee gurigoodan soo booqda.

Kuwaas oo warkiisa ka hela, shabakad internetka iyo shabakadaha xidhiidhka bulshada ah oo gurigoodu leeyahay, waxaanay ku doodayaan in haween badan oo dhali waayay ay uuraysteen markii gurigoodan ay soo booqdeen ee ay ku Alle Baryeen sida ay ku doodayaan.

Dhacdooyin aad u tiro badan oo wada mucjiso ah ayay ka shakeeyaan lamaanaha gurigan leh iyo dadka kale ee booqdaa, kuwaas oo u badan xanuuno kala duwan oo ay kaga bogsadeen iyo waxyaabo khayr leh oo ay heleen, tusaale ahaan haweenay ka mid ah dadkii gurigan booqday oo war fidiyeenada la hadashay ayaa u sheegtay in markii ay gidaarada saliidu ka daadanayso ku hor Alle bariday ay uuraysatay, mucjisadaas oo beenisay natiijadii dhakhaatiirtu sheegeen in aanay uuraysan Karin oo ay ma dhalays tahay.

Mucjisada Guri Gidaaradiisa Saliidi Waxa kale oo ka mid ah dad sheegay in ducadii ay goobtaa ku sameeyeen ka bogsiisay cudurka Kansarka oo carruurtooda ku dhacay, waxaana ka mid ah hooyo sheegtay in wiil yar oo ay dhashay oo isagoo labo jir ah Kansar ku dhacay uu ka bogsaday markii ay halkaa ugu soo Alle Bariday, imikana uu sideed jir yahay oo caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay sida ay ku doodayso.

Marka la isku soo ururiyo sheekooyinka Mucjisada ah ee laga soo warinayo gurigan iyo waxyaabo kale oo badan, waxa layaab leh in saynis yahanadu ay ku dawakheen saliida gidaarada Gurigan ka dareeraysa, taas oo sanadkii 2008-dii bilaabantay, waxaana markii la baadhay la sheegay in kaliya gurigan leeyahay macdano tiro badan oo dahab ka mid yahay, laakiin uu ka bad qabo macdanta Yuuraaniyamta loo yaqaano laguna noolaan karo, kaliya waa sida saynis yahanadu xaqiijiyeen, laakiin lama garanayo sababta rasmiga ah ee saliida ka keenaysa gidaarada?

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.