WorldRemitAds

Mid ka mid ah dhacdooyinka layaabka leh ee dhakhaatiirta dunida hal xidhaalaha ku noqotay, ayaa ka dhacday dalka Maraykanka, taas oo ku saabsan haweenay iyadoo uur bishii sagalaad ah ku jirta uu nin ay bari hore kala tageen toori caloosha kala dhacay.

Haweenaydan oo markii la geeyay cusbitaalka ay dhakhaatiirtu kula taliyeen in ilmaha laga soo rido, si loo badbaadiyo, ayaa diiday oo ku gacan saydhay, waxaanay dhakhaatiirta u sheegtay inay u adkaysanayso xanuun kasta iyo dhib kasta oo ka soo gaadha dhaawacyada ay qabto.

SomlegalAds

j8-1Haweenaydan oo lagu magacaabo Lauren Oliver, ayaa maalmo ka dib umushay ilmihii ay caloosha ku siday ee ay uurkiisa lahayd, markii ninkeedi hore ee ay kala tageen oo hinaasaysani toorida la dhacay, waxaanay xalaada haweenaydani si cad u beenisay digniintii dhakhaatiirtu siiyeen ee ay ugu sheegeen in haddii aan ilmaha caloosheeda ku jira laga soo ridin ay halis geli doonto.

Waxa kale oo dhakhaatiirtu ay haweenaydan u sheegeen in haddii aan ilmaha laga soo ridin oo uu caloosheeda ku sii jiro ay wakhtiga dhalmada uga hadhay, dhiig bax ku jiri doonto, halisna ay nafteedu geli doonto, laakiin dhamaan digniinihii dhakhaatiirta way ka dhego adaygtay waxaanay ku guulaysatay inay is xajiso ilaa ay ka umushay.

Markii ay umushay ka dibna xaaladeeda caafimaad waxay ku soo noqotay sidii hore ee caadiga ahayd, oo waxa gabi ahaanba ay ka bogsatay, dhaawacyadii ka soo gaadhay tooridii ninkeedi hore ee ay kala tageen la dhacay.

Ninkeedi hore Nicholas Lining ayaa markii uu toorida la dhacay haweenaydan ciidamada boolisku qabteen, ka dibna maxkamad la soo taagay oo lagu xukumay shan iyo toban sanadood oo xadhig ah, xukunkaas oo uu xabsiga ku dhamaysan doono, wax damiin ahna aan loo ogolayn.

Lauren Oliver ayaa imika la nool ninkeeda cusub ee ay sanad ka hor is guursadeen oo ka shaqeeya ciidamada dab demiska, waxaanay gabadh ay ninkeedi hore ee tooriyeeyay u dhashay iyo Inankeeda ay ninkeeda danbe u dhashay ku nool yihiin farxad sida ay warbaahinta u sheegtay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.