WorldRemitAds

Mid ka mid ah dhacdooyinka layaabka aduunka, oo laga soo wariyay dalka Hindiya ayaa noqotay mid aad uga yaabisay, culimada cilmiga deegaanka ee adduunka, taas oo ku noqontay dhacdo aanay hore u arag wax aqoon ahna aan cilmiga Bi’addu ka hayn.

Kamarado lagu dhejiyay Seeraha ugaadha duur joogta ah lagu daryeelo ee dalka Hindiya, ee loogu yeedho, “Nagahorul National Park”, ayaa duubay Maroodi qiiqaya, kaas oo la garan waayay sababta qiiqan ka baxaya ugu wacan iyo waxa keenay.

Ka dibna koox culimada aqoonta cilmiga degaanka ku takhakhusay oo ka kala socda waddamo badan oo dunida ah ayaa ka hawl galay, sidii loo ogaan lahaa maroodigan qiiqaya ee sawirada kamaraduhu qabteen.

SomlegalAds

Markii ay muddo sanad ah ku jireen baadhitaankooda ayay dhawaan heleen, raxan maroodiyo ah oo booqanaya goobtii kamaradu ka duubtay maroodiga qiiqaya, kuwaas oo markii ay meeshaa soo gaadheen uu mid ka mid ah maroodiyadii bilaabay inuu qiiqo.

Run ahaantii meel fog ayay khubaradani ka joogeen oo may garan karayn sababta qiiqa ka keentay maroodiga, hasa yeeshee markii ay dib ka daawadeen kamaradihii iyo muuqaaladii ay duubeen ayay ogaadeen in sababta Maroodigu u qiiqay la xidhiidho arrimo caafimaadkiisa ku saabsan.

Sida uu sheegay madaxa kooxdan baadhista ku waday maroodiga qiiqaya ee dalka Hindiya oo lagu magaacabo, Dr. Faron Guswamy, Maroodigan ayaa laga yaabaa inuu liqay dhuxul ololaysa oo ka dhalatay, dab ka kacay dhirta seeraha.

Waxaana suura gal ah in dhuxushaa gubanaysa oo marka uu afka geliyo ee uu raamsado, ka dib qiiq sababaysa uu Maroodigu isaga daweeyo, Sunta iyo waxyaabaha kimikalka ah ee jidhkiisa gala, wallow sida uu sheegay Dhakhtarkan cilmiga xoolaha ku takhakhusay ay taas macnaheedu noqon karto mala awaal aan ilaa wali jawaab sugan loo hayn.

Mala Awaalkan ay khubarada aqoonta deegaanka ee baadhista ku hayay Maroodigan qiiqaya ay sheegeen, May noqon mid jawaab kaafi ah ka bixinaysa sababta Maroodiga ku nool dalka Hindiya gaar ahaan seeraha qaranka ee “Nagahorul National Park”, ka keenay qiiqa iyo waxa loo waayay Maroodiyaal kale oo qiiqaya ama dab iyo dhuxul raamsanaya sida ay ku doodayaan.

Waxaanay marka la isku soo ururiyo ay arrintani noqontay mucjiso ka yaabisay khubarada aqoonta degaanka ee aduunka iyo dadkii daawaday ee loo soo bandhigay, muuqaalka fiidiyowgan Maroodiga qiiqaya ee kamaraduhu ka duubeen Seeraha duur joogta Qaranka Hindiya ee “Nagahorul National Park”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.