WorldRemitAds

Meeraha Cas ama Mars, oo ah meeraha kooxaha sahaminta hawada sare ku halwani sida wayn ugu mashquulsanaayeen, sanadihii u danbeeyay, waxa dedaal badan dunidu gaar ahaan dalka Maraykanka Hay’adda u qaabilsan sahaminta hawada sare ku bixisay, kumanaan milyan oo dollar sidii loo daah furi lahaa, wax badana looga ogaan lahaa meerahaas iyo sida ay nololi uga suura gali karto.

Haddaba todobaadkii ugu danbeeyay waxa si wayn isku badashay aragtidii meerahaas laga aaminsanaa, ka dib markii si ka dis ah, kamaradaha mishiinnka baadhista ka wada Meerahaas ee loogu yeedho, [Korioziti], uu sawiro ka qaaday Ilay (Nuur), kolba meel ka baxaya, kaas oo mararka qaarkood meel dhow laga arki karayay mar marna fogaanayay, taas oo aad uga mashquulisay kooxaha ku hawlan sahaminta meerahaas.

Miishankan Baadhista ka samaynaya meeraha Mars oo hawshaas ku guda jiray, tan iyo sanadkii 2012-kii, waxa uu todobaadkii dhawayd soo diray, sawiro muujinaya, shay nool oo dhamaantii ifaya ama nuur ka wada baxayo, markii sawiradaas oo dhawr nooc ahaa, isla markaana kamaradaha dhinaca bidix iyo xaga hore kaga rakiban mishiinkaasi ay qabteen shaygaas ifaya ee nuurka leh oo meel fog ka baxaya marna meel dhow noqonaya ayaa si wayn loogu kala qaybsamay.

SomlegalAds

Tusaale ahaan, barta Internet-ka ee arrimaha hawada sare ka faaloota ee loogu yeedho, [American Space], oo iyadu si wayn u buun buunisay muuqaalkan, ayaa ku tilmaantay bakhtiyaanasiibkii ugu waynaa ee NASA iyo Maraykankuba ka soo hooyeen sahamintoodi Meeraha Mars.

Shabakadan oo marar kala duwan ka faalootay si wayna wax uga qorta, suxuunta duusha waxa loo yaqaan, ayaa Ilayskan lagu arkay Meeraha Mars ku tilmaantay, Noolal Smart ah oo ka jirta Meerahaas, taas oo shabakadu ku doodayso in ay hore uga saadaalisay, in meerahaasi mustaqbalka noqon doono, halka aadamigu uga digo rogon doono Meeraha dhulka ee imika uu ku dhaqan yahay.

Wakaalada sahaminta hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee Mars oo aan iyadu wali faah faahin dheeraad ah ka bixin, Nuurkan lagu arkay Meeraha Mars, ayaa Comment, ay ku qoreen bogooda Internet ee Twitter-ka ku sheegay, in ilaa wali lagu kala aragti duwan yahay oo dood badani ka taagan tahay, isla markaana waxa aragtidaas Twitter-ka ee NASA lagu tibaaxay, in kooxihii ku doodayay in Ilayskaasi yahay, If Celin (Reflection) laga guulaystay oo aanay dhulkaas ka jirin wax falaadho ah oo hayay xiliga sawirka Mishiinku qaaday.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.