WorldRemitAds
Mucjisooyinka Rabbi (SW): Born Kevin Aistrda waa nin mucjiso dadka intooda badani ku tilmaamaan, waxaana isaga oo uurka hooyadii ku jira, ku dhacay xanuun koriinka laf-dhabarta aadamiga hakiya, ka dibna qofka ka dhiga in kala badh uu noqdo.

Markii uu dhashay ayaa dhakhaatiirtu sheegeen in labaatan jir uu ku dhiman doono, ama aanu labaatan sanadood ka badan noolaan karin, hasa yeeshee waxa uu xiligan jiraa shan iyo sodon sanadood, waxaanu u nool yahay sidii qof caadi ah.
Sida uu sheegay aad ayuu ugu faraxsan yahay qaabka abuurkiisu yahay, waxaanu xusay in cudurka ku dhacay ee loo yaqaano “Sacral Agenesis” uu burburiyay lafdhabartiisa ka dibna u diiday inuu koriinka jidhka qaybtiisa hoose si caadiya u korto.
Waxa uu diiday inuu isticmaalo lugo sanaaci ah oo arti fishal ah, waxaanu adeegsadaa gacmihiisa, si caadiya ayuu u ciyaaraa noocyo kala duwan oo ciyaaraha ah, sida bilyaardiga ciyaarta loo yaqaan. Ninkan ayaa ka badbadin iyo wax lala yaabo ku tilmaamay dhakhaatiirtii sheegay in labaatan jirkiisa uu dhiman doono, taas oo uu ku tilmaamay wax aanay cidi gacanta ku hayn oo Alle oo kaliyii gooyo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.