WorldRemitAds

Buuhoodle, Somaliland, March 26, 2012,(Saxafi) – Mudaharaad lagaga soo horjeeddo Puntland ayaa ka dhacay magaaladda Buuhoodle, ka dib markii madax ka tirsan Puntland ay booqasho qarsoon ku yimaadeen magaaladaasi, balse dad aad u badan oo ka gadoodsan maamulka Puntland ayaa mudaharaad ka dhan ah ka dhigay magaaladaasi, iyagoo diiday wasiiradan booqashadda ku yimid.

Dadkan ayaa ku dhowaaqayey erayo ka dhan ah maamulka Puntland oo ay sheegeen in aanay rabin, isla markaanna ka mid ahayn.

Madaxdan oo iskugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland ayaa markii dad badani ku mudaharaadeen la dajiyey hotel ku yaalla Magaalada si looga badbaadiyo dadkaasi, ka dibna waxa halkaasi ugu yimid odayaal magaaladda ah, kuwaas oo ka dalbaday inay magaalada iskaga baxaan.

SomlegalAds

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa doonaya sidii ay u kasban lahaayeen dadkaasi, si ay u sheegteen inuu maamulkaasi hoos yimaaddo, balse dadkan ayaa ogolayn maamulkaasi. Iyagoo talaabadaas doonaya inay u maraan Xeer Qabyo ah oo dhawaan maamulkaasi sameeyay oo la doonayo in dad kooban oo ku sugan magaalooyinka laga ansixiyo. Iyadoo xattaa la wariyay in ay kooxahan magaaladda Laascaanood ee Somaliland hanaan qarsoodi ah ku soo galleen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.